Xog: DF oo qorsheyneysa is-beddal cusub oo amni

0
109

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee isbadal loogu sameynayo laamaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in xil ka qaadis kale lagu sameeyo saraakiisha qaarkood.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda laga yaabo inay xilalka kaqaado xubno ka tirsan Hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in magacaabis kale la sameeyo.

Xubnaha laga yaabo inay saameyso isbadalka cusub ee la hadal hayaa, waxaa kamid ah Wasiirka amniga xukuumada Soomaalliya, taliyaha ciidamada booliska iyo xubno kale oo ka tirsan laamaha amaanka.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in la magacaabo taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka, maadaama xilkaasi uu banaan yahay muddo badan.

Kulan habeen ka hor dhex maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo laamaha amaanka ayaa lagu gorfeeyay in labo sano kadib aan loo dulqaadan karin in dowladda Soomaaliya ku fashilanto amaanka magalada Muqdisho.

Waxaa kulankaasi lagu canaantay saraakiishii ka qeyb gashay, iyadoo laga dalbaday inay isbadal dhab ah la yimaadaan.

Lama hayo waqtiga isbadalka dhabta ah la sameyn doono, balse waxaa dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan saareysaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya si isbadal loogu sameeyo xaqiijinta amaanka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here