Fadeexad ka taagan Kenya – Malaayiin dollar oo lagu lunsaday darbiga Somalia

0
131

Fadeexad culus ayaa kasoo shaac baxday dalka Kenya, kadib markii la ogaaday in malaayiin dollar lagu lunsaday darbiga ay dowladda ka dhiseyso xuduudda Soomaaliya.

Kenya ayaa horey ku dhawaaqday in ay darbi 700km ah ka dhisi doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay xuduudda u xirto isla markaana u hakiso dagaallameyaasha Al-Shabaab ee uga soo tallaabaya dhinaca Soomaaliya.

Balse markii dhismaha la billaabay sannafkii 2015-kii, darbigii waxaa loo baddalay silig.

Baarlamaanka Kenya ayaa hadda hor istaagay in dhaqaale dheeraad ah lagu bixiyo mashruucan, ilaa inta ay dowladdu sharraxaad ka bixineyso qaabka malaayiin lacag ah loo kharash gareeyay ilaa hadda, sida uu qoray warkeyska kasoo baxa Kenya ee The Standard.

Lacag dhan Sh3.3 bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta ku dhawaad 35 milyan oo doolar ayaa lagu dhisay 10km oo ka mid ah siligaas xadka laga sameeyay, sida lagu sheegay warbixin la hor geeyay baarlamaanka Kenya.

Marka la isbarbar dhigo lacagta baxday iyo masaafaha siliga ah ee la dhisay, waxay u muuqataa in 1km oo kasta lagu dhisay 300 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta qiyaastii 3 milyan oo doolar.

Arrimahan shaaca laga qaaday ayaa ka careysiiyay xildhibaannada baarlamaanka oo dalbaday in sharraxaad buuxda la siiyo.

Lacagta ilaa hadda ku baxday dhismaha darbiga siliga ah ee xadka Kenya iyo Soomaaliya, oo 10km kaliya laga hirgaliyay ayaa labalaab ka badan dhaqaalaha ay dowladda Kenya sannadkan u qoondeysay istiraatiijiyaddeeda keydka raashinka.

Waxa ay sidoo kale ku dhawaad 1 milyan oo doolar ka badan tahay kharashka uu waddanka ugu talo galay inuu ku baxo adeegyada caafimaadka ee dadweynaha.

Intaas waxaa sii dheer in lacagtaas ay saddex laab ka badan tahay dhaqaalaha ay Kenya miisaaniyadda sannadlaha ah ugu qoondeysay dhismaha guryo qarashkooda la awoodi karo.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa aaminsan suurtagalnimada in saraakiishu ay ka faa’iideysteen halista la xiriirta Al-Shabaab, si ay u boobaan dhaqaalaha dowladda.

Isha: BBC Somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here