Maxay furitaanka safaarada Jabuuti uga dhigga tahay jaalnimada Farmaajo iyo Itoobiya iyo Eritrea?

0
143

Furitaanka safaaradda Jabuuti ee Muqdisho waxay kusoo aadaysaa xilli muran xuduudeed iyo ismaan-dhaaf diblomaasiyadeed uu kala dhaxeeyey dalka ay deriska yihiin Eritrea lasoo gabagabeeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii  Jabuuti ay afka labadii yeertay – iyada oo ka niyadxun qaabka ay Soomaaliya u fara-gelisay ama dhinaca ay ka istaagtay xaaladda – ayaa markaas kaddib safar ku bixiyay caasimadda Jabuuti.

In kasta oo warbaahinta qaranka laga sheegay in safarkiisa Jabuuti uu kusoo dhammaaday guul iyo is-afgarad, haddana majirin ilo ka madax-bannaan oo sheegi karay nuuca is-afgarad ee labada hoggaamiye isla garteen.

Farmaajo ayaa loo arkayaa mid si weyn iskugu haleynaya lana dhacsan jaalnimada ugubka ah ee kala dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse dhugmadii loo baahnaa aanan siineynin dalka aan walaalaha nahay. Dowladihii ka horreeyey ayaan marnaba la gaarin Jabuuti heer ay ka cawdaan hannaanka siyaasadeed iyo diblomaasiyadda Soomaaliya taas oo dareenka dadweynaha kusoo jiidaya il-tuhun inay ku eegaan siyaasadda Farmaajo ee ka-dhanka-ah Jabuuti.

Hadda oo Jabuuti ay safaarad ballaaran dhismo ahaan ka furatay caasimadda Muqdisho, waxay sidoo kale ka dhigan tahay farriin iftiiminaysa iska kaalmeynta iyo ka wada shaqeynta danaha labadooda sida gaarka isaga xiran ‘mutual interest’ oo aysan si guud ula wadaagin Itoobiya iyo Eritrea.

Galaangalka siyaasadeed ee Jabuuti ku leedahay Soomaaliya wuxuu soo jiray taniyo 1992-kii. Waana dalka sida dhow ula soo fal-galay geeddi-socodka siyaasadda dalka – iyada oo aan adeegsaneyn ficil maaddi ah sida fara-gelin ciidan, marka lala barbardhigo dalalka deriska ah sida Itoobiya.

Joogitaanka Hiil Walaal iyo qurxinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa shaqada ugu weyn oo sugaya inay safaaraddani xoogga saarto. Waxaa kale oo muhiimaddeeda leh oo safaaraddani ay dunida kale u diri kartaa dhanbaal ah inay geeskeeda ka ilaashanayso danaha muuqda iyo kuwa dahsoon oo ay Soomaaliya ka leeyihiin.

In labada dal ay mustaqbalka dhow ay si fool-ka-fool ah midba gaarkiisa u gaaro go’aankiisa gaarka ah, waxaa shaki gelin doona dareenka shacbiga Soomaaliya – oo niyadsami iyo abaal hore oo Jabuuti ay ku laheyd dib-u-heshiisiinta Soomaalida –  ayaa hadiyo jeer laf-dhuun gashay ku noqon doonta dowladnimada dalka, marka lagu qiimeeyo qeyla-dhaantii dhaweyd oo Jabuuti kaga cabatay maamulka Farmaajo oo ay ku sheegeen inuu dhan u xaglinayo ama uu cadawgeeda lasoo saftay.

Si kastaba, cidna ma saadaalin karto nuuca diblomaasiyadeed oo labada dal ay ku dhaqmi doonaan kaddib furashada safaaradda labaad ee ugu weyn dalka.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here