Shirkadda DP World oo Shaacisay cadadka dhaqaalaha ay ku maalgelisay dekadda Berbera

0
117

Shirkadda Dubai Port World “DP WOrld” ayaa shaacisayay heerka uu gaarsiisan yahay dhaqaalaha ay ku maalgeliyeen dekadda magaalada Berbera tan iyo markii ay la wareegeen maamulka dekadda.

Agaasimaha Guud ee Shirkada DP World u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa Suhail Al Banna ayaa sheegay in tan iyo markii ay la wareegeen dekadda magaalada Berbera ay ku maalgeliyeen 12 Milyan oo doolar.

Agaasime Suhail Al Banna ayaa sheegay in lacagtaasi ay ku maalgeliyeen qeybo muhiim ah oo dekadda ka tirsan, taasi oo dhalisay in uu kordho wax soo saarta dekadda magaalada Berbera sida uu hadalka u dhigay.

Shan maalin ka hor ayaa dekadda waxaa ka dhaqan galay amar ay DP World kusoo rogtay oo ah in la kordhiyo lacagaha laga qaado Kunteenarada laga soo dajiyo iyo sarifka lacagaha Dolarka iyo tan iyo Somaliland.

Ganacsatada Somaliland oo arrintaas ka xumaaday ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin,waxaana kulmay Guddi ay Ganacsatada iska xuleen, Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuse ayaa Guddiyada isla socday u sheegay in DPWorld shaqadeeda ay qabsatay islamarkaana go’aanka ay soo saartay uu yahay mid ah xaq u leedahay.

Shirkadda DP World ayaa hadda sheegeysa in lacag badan ay ku maalgeliyeen Dekadda magaalada Berbera, taasi oo keentay inay kordhiyaan lacagaha laga qaado ganacsatada wax kala soo dega dekadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here