Aaska muslimiinti lagu dilay New Zealand oo kashifay beenta Reer Galbeedka

0
148

Xasquuqii loo geystay Muslimiinta ku cibaadaysanaysay laba Masjid oo ku yaalla New Zealand waxay dhabtii xanuun ba’an ku reebtay adduun-weynaha siiba Muslimiinta dhibanayaasha u ah falalka ay sameeyaan in yar oo xagjir ah.

Taniyo Jimcihii markii gumaadka bahalnimada ah uu galaaftay nolosha 50 qof oo  iskugu yimid salaadda Jimcaha, dunida oo dhan waxaa hareeyay qeyla-dhaan iyo canbaareyn. Laakiin sida loo dhigay ficilkan wuxuushnimada leh laf ahaantiisa ayaa lagu kala duwanaaday. Saxaafadda reer Galbeedka waxay iska diiday in manaxaha toogashada ku dilay Muslimiin aan waxba u geysan ay ku tilmaamaan argagaxiso. Qaar ayaa ilaa xad isku dayay inay dhacdada u rogaan geesta kale – iyaga oo u raadinaya qiil ah in dilaaga xasuuqa ku kacay ay u badan tahay inuu dhimirka ka xanuunsanaa.

Gumaadkani – in kasta oo tirada ku dhimatay ay badan tahay – ma ahan dhacdada kaliya ee wadajir loogu laayo dadka meel qura ku wada sugan. Sannadkii 2015-ka, dunida waxaa gilgilay weerar lagu qaaday xarun Wargeys la yiraahdo Charlie Hebdo kaas oo soo saaray kartuun lagu sheegay inuu yahay Suubanaha NNKH. Koox hubeysan oo sida ay sheegtay aad uga xumaaday falka naceybka ah ee lagula kacay Nabiga ayaa gudaha u galay iyaga oo toogtay dhammaan dadkii ku sugnaa goobta.

Maadaama dadkii toogashada  geystay ay ahaayeen Muslimiin, waxaa loo adeegsaday ereyga argagaxiso, waxaana lagu sifeeyey manaxayaal usoo jeestay daadinta dhiigga reer Galbeedka. Laba toddobaad oo baroordiiq ayaa loo sameeyey dadkii ku dhintay xasuuqa. Waxaa la adeegsaday hal-ku-dhag ah #WaxaanAhayCharlie” ‘I am Charlie’ si dhinac looga soo wada jeesto falkii argagaxisanimada lagu sheegay. Waxaana isla maalinkii uu dhacay weerarka habeenkeeda la damiyay Taallada Eiffel Tower ee caasimadda Paris si loo dareemo xanuunka murugada.

Madaxda Galbeedku kuma ekaan oo kaliya canbaareyn. Marka laga reebo Madaxweyne Obama iyo Xog-hayaha Maraykanka, John Kerry, madaxda kale sida Angela Markel, David Cameron, Netanyahu iyo kuwa kale ayaa socodka ku maray isla waddadii uu ka dhacay xasuuqa. Waxaana jirtay in tacsi kale loogu qabtay dadkii ku dhintay weerarka, gudaha Israel.

Marka lala barbardhigo wixii ka dhacay New Zealand xasuuqii 2015-ka ka dhacay Faransiiska, tiradu ma ahan waxa micnaha sameynaya; waa tayada dadka waxa lagu kala duwan yahay. 17 kii qofood ee ku dhintay weerarkii Charlie Hebdo waxay sida iska cad ka qiimo badan yihiin 50 qof ee sabab la’aan loogu gumaaday gudaha Masjid ay ku cibaadaysanayeen.

Haddii maamuus qaaradeed iyo mid qaranba loo sameeyey dadkii ku dhintay Charlie Hebdo, waxaa taas cagsigeeda sugeysa Muslimiinta lagu laayay New Zealand. Waxaana loo sheegay inay meydadkooda aasan karaan maalinta Arbacada wixii ka danbeeya.

Waloow dowladda New Zealand iyo shucuubta kale ee ku dhaqan Galbeedka ay muujiyeen garab-is-taag bani’aadnimo, haddana madaxda reer Yurub waxay caddeysteen laba wejiilanimadooda.

Marka waa Muslimiinta oo qura kuwa ay sugeyso inay mootidooda xabaashaan.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here