Farmaajo oo faro-geliyey xiisada mushahar la’aanta ciidanka iyo wafdi la diray

0
159

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo farageliyey xiisadda mushaarka ku saabsan ee u dhaxeyso Ciidamada Dowladda iyo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa si deg deg ah u diray wafdi isugu jiro Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka.

Wafdiga uu madaxweynaha diray ayaa  u safray Degmada Balcad oo ay ku sugan yihiin ciidamadii Maanta soo baneeyey qeybo badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxweynaha ayaa wafdigaan ku amray inay soo ogaadaan cabashada ay qabaan ciidamadii Maanta gaduudka sameeyey ee isaga soo baxay afaafka hore ee Dagaalka.

Wafdigaan ayaa marka hore ku wajahan  deegaanka Ceel Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka soo baxay deegaano ka tirsan degmada Cadale, waxaana ay sidoo kale u gudbi doonaan degmada Balcad, gaar ahaan Xerada Hiilweyne halkaas oo ciidamo kale lagula hadli doono kuwaas oo kasoo baxay Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale ee duleedka magaalada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa wafdigaan u sheegay inay Saraakiisha ku qanciyaan in ciidamada dib loogu celiyo fariisimihii ay kasoo baxeyn si xaaladda loo dajiyo.

Ciidamadii Maanta kasoo baxay deegaanadaas ayaa ka xanaaqay hadal kasoo baxay Ra’isulwasaare Kheyre oo ahaa in Ciidamada Dowladda la siiyo mushaarkooda.

Ciidamada qaar ee Maanta hadlay ayaa sheegay inuu Kheyre ka been sheegay isla markaasna uu iska hor keenay iyaga iyo xaasaskooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here