Gudoomiyaha maxkamada Al-Shabaab ee Bariire oo lagu qabtay Muqdisho

0
165

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ciidamada amnigu Soomaaliya ay fuliyeen 19-kii Bishan ayay ku soo qabteen madaxii maxkamadda Al-Shabaab ee deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegtay wasaaradda amniga Soomaaliya, hawlgalkaan lagu qabtay horjoogahaan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho. Ninkan wuxuu Al-Shabaab u qaabilsanaa inuu u rido xukunada dilka ah.

Wasaaradda amniga Soomaaliya ma sheegin magaca ninkan la qabtay iyo faah-faahin ku saabsan qaabka loo qabtay.

Sidoo kael, Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxay kusoo qabteen labo sarkaal oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in mid kamid ah labada sarkaal ee la qabtay uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsana dilalka qorsheysan ee Muqdisho.

Sarkaalka labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayaa isna sidoo kale abaabulayey waxyaabo halis ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo nabad gelyada guud  ee dalka, sida ay dowladda ay sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here