Al Shabaab oo weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidamada AMISOM iyo DF ku sugnaayeen

0
107

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Shabeelaha Hoose.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay uu ka dhacay saldhiga deegaanka Buulo Mareer ee ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku leeyihiin, kaasi oo sababay qasaaro kala duwan.

Masuuliyiinta maamulka degmada Buulomareer ayaa sheegay in ciidamada AL Shabaab xalay saqdhexe ay weerarka soo qaadeen, islamarkaana ciidamada ay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada degmada Buulomareer Muxidiin Khaliif Cali oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, isaga oo sheegay in khasaaraha aan la ogaan wali.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Al Shabaab ay meydadkooda ka jiitaan goobta dagaalka uu ka dhacay, sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana ciidamada dowladda iyo AMISOM aysan soo gaarin khasaaro badan.

“Buulo Mareer Xalay waxaa ka dhacay, qolyihii nabad diidka ayaa soo weeraray saldhiga AMISOM, wax khasaaro ah oo xageena naso gaaray ma jirto, iyaga ayaa horey u qaatay labo meydadkooda ah, Labaatan daqiiqo ayuu dagaalka socday”ayuu yiri Muxudiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here