Cabsi ka taaqan Muqdisho – Go’aanka ciidamada DF oo walaac xoogan abuuray

0
96

Walaac qayla dhaan iyo cabsi xoog leh ayaa laga qabaa xaaladda Soomaaliya waxaana sii xoogaysanaya degaanada ay Al-Shabaab sida fudud uga qabsanayaan Ciidamada difaaca Soomaaliya kadib markii ay ciidamada ka soo baxeen degaano iyo degmooyin katirsan Goballada Shabeelooyinka.

Quburada dhinaca amniga ayaa sheegay in ay qatar ka dhalan karto gadoodka ciidamada difaaca Soomaaliya ee maalmahaan ka jira Shabeelooyinka.

Saraakiishaan ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Al-Shabaab si fudud loogu gacan geliyay degaano Istiraatiiji ah oo markii hore qabsashadooda dhiig badan ku daatay.

“Muqdisho ayaa halis ku jirta hadii ay sidaan wax ku sii socdaan, waa in laga hortagaa gadoodka ciidamada” ayuu sarkaal Sare oo ka tirsan hey’adaha amaanka Soomaaliya oo la hadlay Xoghoose.com

Quburada amniga ayaa cadeeyay in ciidamada ay ka baxeen oo kaliya degaano muhiim u ah amniga Muqdisho, waxa kaliya ee ku xigana ay tahay in Al-Shabaab ay Muqdisho qabsadaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aan laga hortagin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhagaha ka furaysatay qayla dhaanta ciidamada waxaana jiray hadalo adag oo ka yimid Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre kuwaas oo sii kiciyay Ciidamada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here