Fariin Deg deg Ah Oo Dawlada Dhexe Udirtay Madaxweynaha HirShabelle Oo Ku Maqan Dalka Jarmalka [Nuxurka Fariintaas]

0
245

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu soo gaabiyey Safar uu ku marayey Dalal ku yaallay Qaarada Yurub.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare oo kusugan Jarmalka looga yeeray inuu dalka kusoo laabto.

Xasarada ka taagan HirShabelle iyo Ciidanka Soo baneeyey Furumaha Dagaalka ayaana lagala hadlayaa sida Ay Saraakiil Katirsan Maamulkaasi sheegeen.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa rabta inay HirShabelle Hogaamiyaheeda uu deg deg ku xaliyo Xasaradahaasi Deegaanada Shabellaha Dhexe kasoo cusboonaaday.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa soo gaabiyey Safarkii uu ku joogay Dalka Jarmalka lana filayo inuu kusoo noqdo Dalka saacadaha soo aadan.

Ciidamo katirsan Meliteriga ayaa ka baxay Shalay Arbacadii Deegaano dhowr ah oo Shabellaha Dhexe ah,sidaas oo kale Beelo ayaa dad iskaga laayey Dagaal ka dhacay Deegaano hoostaga Degmada Cadale Bilowgii Isbuucaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here