Gen Indhacadde oo sheegay in labo arin sabab u tahay gadoodka ciidamada DF (Dhageyso)

0
78

General Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cadde ayaa ka hadlay gadoodka ciidamada dowladda Soomaaliya ay sameynayeen maalmihii ugu dambeeyay, iyaga oo soo baneeyay saldhigyo dhowr ah.

Gen Indha Cadde ayaa sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo sida ay sheegeen aanan qaadan wax mushaarad afartii bilood ee ugu dambeysay, waxaana uu sheegay inay taasi dhibaatadeeda leedahay.

Wuxuu timaamay in loo baaban yahay in ciidamadaasi dib loo eegaa waxyaabaha ay ka gadoodeen, si marka saldhigyada ay baneeyaan aysan dib u qabsan Al Shabaab, maadaama waqti iyo dhaqaalo lagu bixiyay in Al Shabaab laga saaro deegaanada ay hadda kasoo baxayaan.

Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada dowladda ayuu sabab uga dhigay inay keentay hadaladii Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ahaa in aysan jirin ciidamo aan mushaar qaadanin.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay wax ka badalaan hanaanka loola dhaqmayo ciidamada ku sugan farumaha dagaalka, maadaama ay waqti kale qaadan doonto in Al Shabaab lagula dagaalamo deegaano horey looga horeeyay.

Ugu dambeyn Madaxda Dowladda ayuu ugu baaqay in Ciidamada, iyada oo la tirakoobayo la siiyo mushaarkooda iyo xaquuda kale ay leeyihiin, sidoo kalena dib loogu celiyo saldhigyadooda Ciidamadii gadooday.

Hoos ka dhageyso wareysi uu bixiyay Gen Indha-Cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here