Amniga Muqdisho oo ku xiran ciidanka gadooday oo mushaarkooda la siiyo

0
131

Dunta isku xiraysa dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe iyo dowladda iyo xiriirrada ay la leedahay saaxiibada Beesha Caalamka hadda waxaa laga filan karaa sansaan aan wanaagsaneyn.

Dowlad-goboleedka Hirshabelle oo inta badan magac ahaan u taagan, balse aan si toos uga talin gobollada ay ku magacaaban tahay – taas oo madaxdeedu ay caasimadda ka dhigteen xafiisyadoda ku meelgaarka ah, waxay runtii aheyd arrin loo tiirinayay maamulkaas oo kaliya.

Hadda waxaa soo baxaysa in maamullada kale ay ku jiraan qatar amni marba haddii gobollada ku xeeran caasimadda ay ka baxayaan gacan-ku-heynta dowladda. Sidoo kale bixitaanka qaar kamid ah shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho – kuwaas oo sababo amnigooda la xiriira uga huleelaya xarunta dalka – waxay iftiimin kartaa in qatartu ka baaxad weyn tahay sida la malaynayo.

Khubaradooda dersa xaaladda amni ee caasimadda ayaa xaqiijiyay in al-Shabaab ay soo buux-dhaafinayaan magaalada; waxayna hadiyo jeer awoodi karaan inay fuliyaan weerarro ka-dhan-ah saaxiibada caalamka ee badigood ku jira xerada Xalane.

Halistaas ay ka digayaan waxay marwalba musiibada ugu badan gaarsiin doontaa shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo si aan xisaab laheyn ugu wax-yeelooba weerarada ay Shabaabku kusoo qaadaan ama la beegsadaan madaxda dowladda. Xilligan oo xaaladdu taagan tahay bixin la’aanta mushaharka ciidamada, dayaca iyo debecsanaanta amniga waxay fursado badan u abuuri kartaa maleeshiyada al-Shabaab.

Haddii laba sannadood ay dowladdu tilmaamay inay xuquuqaadkooda u dhammeystiri jirtay ciidamada ay dhaceen falalka argagaxisanimo ah oo galaaftay nolosha rayid badan oo si naxariis darro ah ugu dhintay weerarka al-Shabaab, maxaa laga filan karaa hadda oo isla ciidamadaas aan la siinin wax mushaharaad ah?

Su’aasha jawaabtan waxay u muuqan kartaa mid dahsoon. Balse marka laga qiimeeyo walaaca ay bixiyaan saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan caasimadda – kuwaas oo hadda xaqiiqda kasoo diraya xeryo amnigooda aan loogu adkeeyey – waxaa habboon in dowladdu ku dhaqaaqdo tallaab walba oo lagu hubsan karo badqabka shacabka. Waddada kaliya ee taasi lagu gaari karo ayaana ah hubinta xuquuqda ciidamada inaysan meel cidlo ah ama aan loogu tala-gelin ku dhammaanin. Waana farriinta ay dadweynaha ku dhaqan Xamar u dirayaan xukuumadda Kheyre.

Halkii ay aheyd in dowladdu ku dadaasho in xubnaha dowlad-goboleedyada ay si nabad ah ugu shaqeyn karaan gobollada ay ku magacaaban yihiin, in lagu gorgortamo sugidda amniga Muqdisho waxay rajada shacabka ku ridaysaa ceel-guntiisa.

Waxayna liifadda u gaabinaysaa gaarista geeddi-socodnimada dowladnimada oo hadda taagan gebi qarkiisa.

W/Q: Xuseen Axmed Gacal 

Muqdisho, Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here