Dagaal khasaare dhaliyey oo maanta ka dhacay Muqdisho

0
199

Wararka ka imaanaya Degmada Hodan ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah ugu dhacay Dhismo ku dhegan Isbitaalka Deva oo kasoo horjeeda Xaruntii Coca Cola oo aan sidaa ugu fogeyn Carwadii Qaranka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in uu jiro Khasaare labada dhinac soo kala gaaray, inkasta oo aan la heyn inta uu gaarsiisan yahay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka iyo dadka uu istaagay, dadka shacabka ayaa bilaabay in ay ka tagaan goobta si aan waxyeelo ugu gaarin rasaasta labada dhinac ay isweydaarsaneyeen.

Mararka qaar waxaa la maqlayay rasaasta ka dhacda Qoryaha lagu xiro Gawaarida Dagaalka oo ay isku adeegsanayeen Ciidamadaan ka kala tirsan Militariga iyo Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada dagaalamay ay u abaabulnaayeen qaab beeleed, isla markaana ay ku dagaalameen dhul murankiisu maalmihii lasoo dhaafay taagnaa.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Hodan ee Gobolka Banaadir weli kama hadlin dagaalkaas, iyada oo Ciidamadii wada dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here