DEG DEG:-Qarax seddexaad oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin ku saabsan

0
112

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay Qarax Seddexaad.

Qaraxaan ayaa ka dhacay agagaarka Masaajidka Biyamaalow oo ku yaal inta u dhaxeyso Isgoysyada Bakaaraha iyo Howl-Wadaag.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel Qashin ah, waxaana la sheegay inuu ahaa mid meesha lagu duugay.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeyn Xoghoose.com qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 5 qof halka tiro intaas la eg ay ku dhaawacmeyn.

Dadka dhibaatada kasoo gaartay Qaraxaan ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo halkaas ku sugayey Gawaraada Rayidka ee loo yaqaan BL, waxayna isugu jireen arday iyo dad kasoo dukaameystay Suuqa Bakaaraha.

Qaraxaan ayaa noqonayo midkii Seddexaad oo ka dhaca Maanta Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadii ugu horreeyey ayaa lagu weeraray Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda dowladda Soomaaliya oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Jubba ee Muqdisho.

Labadda Qarax oo kala dambeeyay Daqiiqo yar ayaa Midka Koowaad lagu dhuftay Iridda laga galo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bushadda, waxaana  ka socotay Shaqadda Maalin laha ah ee loogu adeego Bulshadda Soomaaliyeed.

Qaraxa Koowaad markii dhacay Dabley hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday Wasaaradda.

Qaraxa Labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari  ay kasoo degteen Dableyda Hubeysan oo Qaraxyadda ka dib Gudaha u galay xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaallaha oo ay sidoo kale la dagan tahay Wasaaradda Howlaha Guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here