Jugta qarax kale oo xoogan oo laga Maqlay Muqdisho

0
119

Waxaa wali adag in la helo faahfaahin la xiriirta qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qarax kale oo xooggan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad oo aad u xoogan ayaa ka dhacay Jubba, waxaana qaraxa labaad laga maqlay bartamaha Isgoyska Jubba, waxaana adag in la ogaada xaaladda goobta qaraxyada ay ka dhaceen.

Rasaas xoogan ayaa la maqlayaa, waxaana la ogeyn halka uu ahaa bartilmaameydka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa koowaad ay u badan tahay in bartilmaameydkiisu ahaa xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Howlaha Guud ama taliska qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

Ciidamada amaanka ayaa xiray goobta qaraxyada ka dhaceen, waxaana la maqlayaa rasaas xoogan oo ka dhacaysa halka qaraxyada ay ka dhaceen.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here