Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
66

Qarax xoogan ayaa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana daba socday rasaas xoogan oo laga maqlay halka uu qaraxa ka dhacay.

Uuro iyo Qiic ayaa hawada isku shareeray, waxaana uu qaraxa ku aadanaa dhanka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa hadda dhawaqiisa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn rasmi ahaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Isgoysa Jubba waxaa ku dhow xafiisyo badan oo dowladda ah, waxaana u dhow xarunta qeybta booliska ee gobolka Banaadir, Xarunta Nabad sugidda iyo xarumo wasaaradeed.

La soco waxii kusoo Kordhaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here