WAR naxdin leh oo laga soo sheegayo xaaladda Sheekh Aadan Sunne

0
97
Weli waxa liidata xaaladda caafimaad ee Sheekh Cabdiraxmaan Aadan Warsame (Aadan Sune) oo ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in lagu sameeyo qaliin deg deg ah, si looga dabiibo bog dilaaca ku dhacay.
Laakiin, Wuxuu weli Sheekh Aadan ku jiraa xabsiga Hargeysa oo markii baadhista la sameeyay dib loogu celiyay, lamana garan karo goorta ay Xukuumada Muuse Biixi u ogolaan doaonto in lagu sameeyo qaliin caafimaad.
Masuuliyiin iyo Garyaqaano ayaa Xukuumada Biixi ugu baaqay inay gudato waajibaad ka saaran in Sheekhu helo adeega caafimaad ee uu ubaahanyahay.
Dhanka kale, Qoyska Sheekh Aadan Sune ayaa ku celcelinaya baaq ay ku dalbanayaan in Sheekha loo ogolaado inuu helo adeega caafimaad ee uu ubaahanyahay, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay wararka ku saabsan xaaladda Caafimaad ee Sheekh Aadan Sune, laakiin waxa weli socda dedaalo lagu doonayo in dawlada lagu qanciyo inay ogolaato in Sheekhu helo adeega caafimaad.
Dhawr-jeer ayay bulsho-weyntu Madaxweyne Biixi ugu baaqday inuu cafis Madaxweyne ku sii daayo Sheekha oo ay maxkamadda gobalka Maroodi-jeex hore ugu xukuntay 5 sannadood oo xadhig ah, balse Madaxweyne Muuse Biixi dalabkaas dhag jalaq uma aanu siin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here