CC Shakuur: Haddii aysan madaxda DF talo heyn waa inaan anaga la imaannaa

0
123

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan xilka ka aheyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyadii iyo weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tilmaamay inaan lagu sii jiri karin tacsi iyo silicaan loona baahan yahay in la keeno xal looga baxo dhibaatada dalka ka taagan.

Cabdirxmaan ayaa sheegay inaysan caqli gal aheyn in lagu dhex noolaado Fashilka Dowladda iyo falka argagexiso ee Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu dalbaday in haddii aysan hoggaanka dalka talo aheyn ay talada keenaan Siyaasiyiinta kale si dalka loo badbaadiyo sida uu hadalka u dhigay .

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay Cabdiraxmaan

Allaha u naxariisto masuuliyiintii iyo dadkii rayadka ahaa ee maanta lagu dilay qaraxyadii iyo weeraradii ay argagaxisadu ku qaadeen goobo kala duwan oo Muqdisho ka mid ah. Suuragal ma ah in silican lagu sii socdo, maan galna maaha in lagu dhex baaba’o fashilka dawlada iyo falka argagexiso ee Shabaab. Talo qaran oo dalka iyo dadka lagu samata bixiyo ayaa loo baahan yahay. Hoggaanka dawlada hadii uusan talo la haynin, inteena kale waa in aynu talo la imaanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here