Maxay ahaayeen Shantii qof ay Al-Shabaab ku toogteen Yaaq Baraawe?

0
172

Maxkamad taabacsan Xarakada Al-Shabaab  ayaa markale xukunno dilal ah ku ridday illaa Shan qof oo ay ku eedeeyeen inay Jawaasiis u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Toogashadaan oo ka dhacday meel fagaaro ah oo ku taalo Deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal kamid ah dadka halkaas ku nool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Shantaan nin ee lagu eedeeyey inay Basaasiin u ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hor qirteen Maxkamadda dambiga lagu soo eedeeyey.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa xukunka Shantaan qof uga dhawaaqay fagaaraha ay toogashada ka dhaceysay .

Magacyada Shanta qof oo ay Al-Shabaab toogteen ayaa lagu kala sheegay:

1) Aadan Muuday Maxamad

2) Ayuub Xasan Maxamed

3)  Maxamed Isxaaq Xasan

4)  Maxamuud Cabdi Isxaaq

5) Cabdi Maxamad Isxaaq.

Ma ahan markii ugu horreysay oo  deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka dhacaan xukunno dil ah oo lagu fulinayo dad ay Shabaab ku eedeysay inay jawaasiis u ahaayeen Dowladda Soomaaliya iyo dowlado kale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here