Qaar ka mid ah ciidamada gadoodsan oo mushahar helay balse xaqiiq kale oo soo shaac baxday (Xog)

0
177

Qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee mushahar la’aanta ka gadoodsanaa, ayaa loo diray mushahar habeen hore, sida ay ogaatay Xoghoose.com.

Ciidamadan ayaa la siiyey mushaharka laba bilood oo ka mid ah afarta bil ee ka maqan, sida saraakiisha ciidanka ee Saldhigga Hiilweyne ee degmada Balcad iyo Degaanka Ceelcadde ay u sheegeen Xoghoose.com.

Hase yeeshee, mushahar diristan ayaa soo shaac bixisay xaqiiq kale oo ku saabsan in uu been ahaa hadalkii ra’iisul wasaare Kheyre uu dhowaan sheegay, ee ahaa in ciidamada gadoodsan ay yihiin kuwa aan diiwaan gashneyn.

Ciidamada mushaharka helay ayaa la sheegay inay yihiin dhammaan ciidamo u diiwaan gashnaa dowladda, oo maray hanaanka diiwaan gelinta dowladda, islamarkaana aysan jirin weli wax diiwaan gelin cusub ah oo dowladda ay sameysay.

Qaar ka mid ah ciidamada diiwaan gashan, ayaa dhinaca kale sheegay inaysan weli helin wax lacag ah, hase yeeshee wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ballan-qaaday in ugu dambeyn ay heli doonaan maanta.

Xaqiiqada cusub ee arrintan ay shaaca ka qaadday ayaa ah in ciidamada gadoodsan ay badankood yihiin kuwa diiwaan gashan, islamarkaana hadalkii Kheyre ee ahaa in ciidamada gadoodsan ay yihiin kuwa aan diiwaan gashneyn uu badankiis ahaa mid aan jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here