Villa Somalia: Weriye xog la qarin jiray la wadaagay Farmaajo oo la colaadiyey

0
208

Wariye ka tirsan wariyaasha Villa Somalia ee Madaxweynaha u aruuriya xogaha ku saabsan waxyaabaha ay baahiyaan warbaahinta dalka ee ku saabsan wararka amniga iyo dhibaatooyin kale ee heesta shacabka Soomaaliyeed ayaa wajahaya hanjbaad iyo go’doomin ay ku sameeyeen mas’uuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya kadib markii uu Madaxweynaha la wadaagay xog dhab ah oo dalka ka jirta, taas oo markii hore laga qarin jiray Madaxweyne Farmaajo.

Wariyahaan iyo koox kale oo la shaqaysa oo aan markii hore fursad u heli jirin la kulanka Madaxweynaha, ayaa maalin dalbaday in Madaxweynaha uu isaga ka dhageesto waxyaabaha ay diiwaan geliyeen iyo shaqada haayaan balse waxaa meesha ka dhacday in Madaxweynaha loo gudbiyay warar markii hore aan gaari jirin oo laga qarin jiray.

Wararka ayaa sheegaya in wariyahan maalmahaan uu dareemayo culees iyo in la yareeyay saameentii uu ka lahaa xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Weriyahan ayaa la sheegay in madaxweynaha uu ku war-geliyey dilal qorsheysan iyo qaraxyada yar-yar ee maagaalada iyo carrada shacabka eek u aadan dowladda, oo markii hore laga qarin jiray.

Xubno katirsan Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia oo qariyay magacooda ayaa Xoghoose u xaqiijiyay arrintaan ka taagan Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta badan Madaxweynayaasha Soomaaliya soo maray iyo Madaxweynaha hada talada haaya ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegaa in aysan si sax ah u helin wararka dalka ku saabsan oo inta badan laga qariyo, waxaana hoos dhigta Madaxda katalisa Villa Somalia waana sababta keenta in Madaxweyne kasta uusan xog ogaal ka ahayn dhacdooyin badan oo dalka ka jira iyo ra’yiga dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here