Xog: Waa maxay qorshaha uu wasiir Sabriye u aadayo magaalada Dhuusamareeb?

0
88

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay dhowaan gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil katirsan Galmudug.

Warar ay heshay Xoghoose.com ayaa sheegaya in Wasiir Qarafaan socdaalkiisa uu salka ku haayo sidii hogaanka Maamulka Galmudug, gaar ahaan Xubnihii maamulka Ahlusunna looga dhaa-dhicin lahaa in ay dowladda Soomaaliya ku taageeraan sidii ay doorasho uga qaban lahayd Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, ayaa isagana ka baxay Dhuusamareeb waxa uuna gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxayna u muuqataa in uu ka tagay wafdiga u soo socda Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf oo aad uga soo horjeeda qorshaha Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda in uu diidan yahay la kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya, sidaasna uu uga baxay dhuusamareeb islamarkaana uu ku gaaray Gaalkacyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa isu diyaarinaysa sidii ay doorasha uga qaban lahayd Galmudug, balse waxaa ka hortaagan caqabado badan oo hagar daamin kara qorsahaheeda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here