Baabuur ay ka buuxaan qaraxyo oo Muqdisho soo galay oo laga digay (Aqri)

0
93

Digniin amni oo cusub ayaa laga bixiyey xaaladda magaalada Muqdisho, oo la sheegay inay soo galeen baabuur sidda qaraxyo la doonayo in gudaha magaalada laga fuliyo.

Digniintan ayaa waxaa bixiyay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan ammaanka ee UNDSS, waxaana la sheegay in afar gaari oo qaarkood ay yihiin kuwo waa weyn ay soo galeen magaalada Muqdisho.

Digniinta ayaa lagu sheegay inay suuragal tahay in qaraxyada lagu beegsado Hoteelo iyo goobo ay dadweynaha ku kulmaan maalmaha soo socda, waxaana laga digay in meelaha qaar laga fogaado.

Digniinta kooxda UNDSS si toos ah uma cayimin goobaha bartilmaameedku ah kooxda Al-Shabaab oo la rumeysan yahay inay dooneyso inay qaraxyada fuliso.

Inta badan QM iyo sirdoonka reer galbeedka ayaan bixin magacyada goobaha la beegsanayo, ayada oo ay u badan tahay inaysan si rasmi ah u ogeyn, ama ay xogaha qaar ka qariyaan dowladda Soomaaliya.

Dhawaan inta aan la weerarin xarunta wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha waxaa hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ay soo saareen digniino dhanka ammaanka ah, iyadoo aan wax laga qaban.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaa si aad ah u kordhay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda inta badan u dhaca si maalinle ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here