Wasiir Sabriye oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho & Kulamo saacado qaatay oo ka dhacay Dhuusomareeb

0
91

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in wasiirka arimaha gudaha dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu dib kaga soo laabtay magaaladaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in safarka wasiirka oo loo qorsheeyay inuu qaato muddo labo maalin ah uu kasoo hormaray waqtigii loo qorsheeyay wuxuuna dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Kulan saacado qaatay ayaa xalay ka dhacay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo u dhaxeeyay madaxda Galmudug ugu sareyso iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, kaasi oo aan la ogeyn ilaa iyo hadda waxyaabaha la isku fahmay.

Qodobka dooda ugu adag ka dhalatay ayaa ahaa qorshaha dowladda damacsan tahay oo ah in doorashada Galmudug ay dhacdo bisha Todobaad ee sanadkaan, waxaana ka biyo diidan madaxda Galmudug.

Waxyaa la filayay in Kohor bixitaanka Wasiirka, dhinacyadu wada hadlayay inay qabtaan Shir Jaraaid oo looga Hadlayo Waxyaabaha ka soo Baxay kulamadoodii, Maadaama uusan Jirin Ilaa shalay Hadal saxaafada Lala wadaagey oo ku saabsan isku dayga dowlada ee Xal u helida Arinta Galmudug iyo Natiijada rasmiga ah ee kulamada Dhinacyada,

Dad xog ogaal ah ayaa Inoo Xaqiijiyey in ay Jiraan Shuruudo Madaxda Kala duwan ee Galmudug ay ku xirtay Heshiiska taasoo Keentay in wasiirku uu kula laabto Madaxda dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa dhawaan sheegay in muddo kororsiga madaxda Galmudug doonayaan inaan la aqbali doonin, waxaana dowladda ay dadaal dheeri ah u gashay sidii arimahaasi xal looga gaari lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here