Ethiopia oo fashilisay weerar argagixiso oo Al-Shabaab ay ka fulin lahayd dalkaas

0
131

Xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la fashiliyey weerar argagixiso oo gudaha dalkaas laga fulin lahaa, islamarkaana la xiray dhowr qof oo ku lug lahaa.

Berhanu Tsegaye ayaa sheegay in booliska iyo hay’adda sirdoonka qaranka ee NISS ay fuliyeen howl-gal wadajir ah oo ay kusoo xireen shaqsiyaad qorsheynayey weeraro argagixiso oo ka dhaca gudaha dalka Itoobiya.

Weerarka ayaa la sheegay inay soo qorsheysay kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, waxaana lala beegsan lahaa goobaha mashquulka badan ee dadweynaha.

Dadka weerarka qorsheeyey ayaa la sheegay in gacanta lagu hayo oo la xiray, balse lama shaacin tiradooda.

Dhinaca kale, Berhanu Tsegaye ayaa sidoo kale sheegay in 59 qof laga soo xiray saddex xarumo dadweyne ah, ayada oo lagu tuhmayo musuq-maasuq, waxaana dadkaas ku jira saraakiil dowladeed iyo maal-gashtayaal.

Eedeymaha loo soo xiray ayaa waxaa ka mid ah musuq-maasuq baaxad weyn oo ka dhacay xarumahan dadweyne, intii ay socdeen mashruucyo la fulinayey.

Sida uu sheegay Berhanu, baaritaanka ayaa qaatay saddex bilood.

Qiyaatsii 23.7 milyan oo dollar oo hanti-dadweyne ah ayaa la sheegay inay dadkan lunsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here