Khudbadihii xildhibaanada BF ee maanta oo 15 su’aal oo xasaasi ah ka jawaabay

0
125

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta yeeshay kulan xasaasi ahaa oo looga hadlayey Arrimaha Ammaanka kaasoo ay khudbado ka jeediyeen 30 Xildhibaan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso 15 Su’aal oo ay ka jawaabeen XIldhibaanada Baarlamaanka ee Khudbadaha jeediyey.

MAXAY YIHIIN BAJAAJLEYDU?

Xildhibaan C/raxmaan Ibbi ”Bajaajleyda aan u doodeyno waa Bambo tuur, waxaa caddeyn u ah in la haayo saddax Bajaajlayaal ah oo lasoo qabtay iyagoo Bam ku tuuraya baro kontrool oo ay ciidanka amniga  fadhiyaan”.

 YAA DAYACAY AMMAANKA?

Xildhibaan Saynab Caamir “Anaga ayaa gabnay shaqadii amniga, haddaa nahay guddigii amniga, sirtii ciidankeenna faro kuma heyno, adduunka ciidankooda sir ayey leeyihiin, booliska madax badan ay leeyihiin, meel badanaa laga kala xukumaa, ma jirto wada shaqeyn ciidanka booliska iyo NISA, wax nabad sugid la yiraahdana ma jirto maanta, askari walba meeshuu joogo asagaa ka taliya, ”

 GOORMA AYAY TAHAY IN JIDKA LA XIRO?.

Xildhibaan Joodax “Jidadka waa in la furaa, xilliga madaxda baxayso maahane inta kale, waa in la eegaa Islaamaha umulaya, meydadka iyo dadka taagta daran, Madaxweyne iyo ra’iisul wasaare baan kuu ahay, dantaada ka fakirimaayo, teydaana ka fakiraa miyaa dowladnimo lagu yahay, dhanka kale Boqol dollar cidi kuma noolankarto waa in askarta mushaar ku habboon la siiyaa si ay shaqadooda ugu gutaan si wanaagsan”.

MAXAA ISKA BADALAY AMNIGA HADDII JIDADKII LAXIRAY:-

Daahir Amiin Jeesow “waddooyinkii waa lawada xiray walina ammaankii sidii ayuu u xun yahay, nasiib darro ka weyn ma jirto in ciidamadeenii loogu talagalay iney shacabka badbaadiyaan ay maalin kasta dilaan wiilasheenna Bajaajyada wada”

QAABKUU U SAMEYSANYAHAY CIIDANKEENNA?.

Xildhibaan Axmed Xaaji Taaw “Ciidankeennu waxuu u sameysanyahay qaab qabiil, waxaa lagu guuleysan la’yahay isku dhafkoodii, waxaana hor taagan kuwo dano qaas ah ku wato, nolosha waxaa saldhig u ah amniga, ciidankeenna waxuu u baahanyahay dhinacyo badan in laga kaabo, sida xagga, qalabka, saanadda, iyo tababarada, taanna waxey ku imaan kartaa tiro koob rasmi ah oo uu yeesho ciidankeenna”

YAA AMNI KA SUGEYNAA?.

Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow “Amniga waxaa laga sugaa ciidan qaran oo waxuu u baahanyahay u dhammeystiranyahay oona la ogyahay tiradooda inta ay tahay iyo hoggaankooda, dhibka ugu culus ee amniga naga heysta waa ciidankeenna oo dayacan,  ”

YAAN KAGA DAYANNAY DHAGAXDA JIDKA NOOGU XIRAN?. 

Xildhibaan Khadiijo Diiriye “Xamar kaliya kuma koobnaa dhibaatada, caasimadaha adduunka ayay dhagxaanta ku xiran yihiin, Mucaarad iyo muxaafadna howlo ka weyn ayaa inoo yaala”.

MEEQO AYEY U QEYBSANTAY MUQDISHO, HALKEESA KU FOOSHAAN DUMARKU?.

Xildhibaan Fowsiya “Muqdisho maanta waxay u qeybsantahay 4 qeyb oo meelba meesha kale ka xirantahay Qaraxyadiina way socdaan, anigu waxaan goobjoog u ahaa gabar geed hoostiis ku dhalaysa oo Maro la saaro loo raadinayo, hadda hadaan gaari qaadato ma heleysid meel aad marto, jidka waa wada xiranyahay”.

WASIIR GOODAX BARRE RAALLI GELIN MA BIXIYAY?.

Mahad Salaad “Waa in si sax ah la nooga dhageystaa cabashada dadka aan matalno, maahan in ay Shabaab nagu tilmaamaan qaar ka mid ah golaha wasiirrada marka aan su’aalo weydiineyno wasiir iyaga ka mid ah, shaqadeenna ayey ku ciyaareysaa in wasiir uu difaaco wasiir kale inta makarafoonka la boodo, hore waxaa u dhacday in wasiir xildhibaan ah uu xildhibaan kale ku dhahay “ma fahmin warkaaga’, mudane guddoomiye waxaa ku amartay in uu raalli gelin ka baxsho, wuuna ka bixiyay, maxeysan ku dhicin in aad raalli gelin bixi dhahdo wasiir xildhibaan ku tilmaamay in uu Shabaab yahay?.

MATAHAY WAX KA ISKA INDHA TIRI KARO AMNI DARRADA JIRTA?.

Xildhibaan Cabdifitaax Geeseey “Wax la dafiri karo mahan in amniga uu faraha ka baxay, shalay waxaa is dagaalay ciidan boolis ah iyo kuwo military ah caasimadda dhexdeeda, waxaan kaloo ogeyn in ciidan gadoodsan mushaar la’aan darteed ugasoo baxay furumaha loo diray wasiir warfaafin iyo wasiir amni isagoo uu joogo wasiirkii gaashaandhigga, maxaa ka galay wasiir amni iyo mid warfaafin militari gadooday?, soo meesha kama muuqato in dowladdii ku dhaqmeyso qaab qabiil, iyo kanaa u dhow ee u dir?.

MAXAY KU WAABARIISATAA MUQDISHO?.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene “Ilaahey aan ka baqno, qofka sida dhabta ah uga hadli karo xaaladda amni ee waddanka hasoo istaago, waa la dhaafay waqtigii beenta la isku sheegi jiray, Labbo sanno iyo Labbo bil aan been isku sheegeenay, Muqdisho waxey maalin walba ku waabariisataa dil aan xisaab laheyn, qaraxyo dadka ku dhintay aan la isku raacan, hadda waxaa magaalada ka socdo dibad bax ka dhashay muwaadin la dilay, mana jirto qof naga indha-sarcaadin karo waxa ka socdo magaalada, shacabkaan waa shacabka ugu fiican ee la maamulo, waxey canshuur baxshaan ayadoon amnigooda la sugin, ayagoo la dilo la dhibaateeyo canshurtana baxsho ayey hadana taageeraan kuna qanacsanyihiin dowladdooda, waa la quustay, iska daa shacabkee waxey ka muuqataa quusta, xildhibaanada, wasiirrada, ganacsatada, haweenka iyo dadka dhiban ee gaari la’ isbitaalada.

YAA SIYAASADEEYAY AMNIGA?.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed “Baarlamaanka hadduu xisaabtamo oo uu damco in hay’adaha kula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan ma mucaarad baa?, ma xil buu rabaa?, ma wasiir raadis baa?, haddaan aamusnana shaqadii qaranka iyo howshii lanaga rabay waxba kama soconayaan, lkn, waxaan hubaa inaanan aamusi doonin, oo aanan ka tanaasuli karin inaan ka hadalno xaqa dabiiciga ah ee uu leeyahay qofka soomaaliyeed ee baarlamaanku matalo, ma qofka askar furun iskula jiro mid mushaarkiisa usoo dhaco, midka kalena bil kadib uu helo mushaarkiisa aa siyaasadeeyay amniga mise kan u doodaya ciidanka in ay isku si u helaan mushaarkooda?, waxaa siyaasadeeyay amniga midka ciidanka isla joogo midna maanta u diraya xuquuqdiisa midna bil kadib u diraya, waxaa warbaahinta la taaggan amniga waa la siyaasadeyay shaqsiyaad aan fasiri kari micnaha amni la siyaasadeeyo.

AMINGA SHALAY IYO MAANTA KEEBUU FIICANYAHAY?.

Xildhibaan Ubax Tahliil  “marka la eego waxaan soo dhaaftay mahan in xildhibaanada ay sheeg sheegaan waxa aan ku jirno maanta, waa caadi waxa socdo, ma ahan in la buun buuniyo, waa laga fiicanyahay in xildhibaanada ay kiciyaan shacabka, dadka dhibka ku haya shacabka gacan bir ah ayaa lagu qabanayaa, xildhibaan furtay xisbi miyuu rabaa dowlad, shacaboow yaan been la idiin sheegin, dalka waxaa la rabaa in laga wada shaqeeyo dhammaanteen, canshuurta waa la qaadayaa, adinkaa wax la idinkugu qabanayaa, maxuu idiin haayaa ninka idin leh canshuur yaan la idinka qaadin, xildhibaan xisbi ku jiro aan dalkiisa u tureyn oo meel kale u caddahay yuusan been idiin sheegin.

WAA MAXAY AMNI?.

Xildhibaan Maryan Cariif “Amni waxaa la yiraah in shacabku nabad ku seexdo nabadna kusoo tooso, amni waxaa la dhahaa in qofka shacabka gurigiisa inta kaso baxo shaqadiisa tago, shaqadiisa kasoo baxo gurigiisa yimaado, nabad kula seexdo xaaskiisa iyo carruurtiisa, haddaan ka hadli aminga Muqdisho, Muqdisho waxaa weerar ku ah inta kheyraadka Soomaaliya hunguri uga jiro, nabad noqon meyso Muqdisho haddeysan u istaagin dhallinyaradeeda, ama Bajale ha ahaadaan, ama saxaafad ha ahaadaan ama Xildhibaanno ha ahaadaan, Muqdisho sababta ay amni u heli la’dahay caasimadaha maamul goboleedyadana amni u yihiin waa Wadinihii Soomaalia, in jid la xiro shacabkuna lugeeyaan iyo in maalin walba shan gaari soo gudubto 50 qofna naga dhimato keebaa roon?.

BOOLISKA MA XALAAL BAA?.

Xildhibaan Saabir “Boolis waa la yaqaan, waa kuwa kala dhiciya shacabka marka ay ku dhacaan, maahan boolis midka xabbadda madaxa kaga dhufta shacabka, waa ognahay halkey ka imaadeen booliskana kasoo galeen, ayaga iyo taliyaashoodaba xaalaal maahan, waxaan codsaneynaa in laga dhex baxsho booliska, Wasiir Isloowna waxaan leeyahay waxaa tahay nin aqoon leh, wax ku bartay Muqdisho, haddaadan u madax bannaaneen shaqadaada fadlan iska casil xilka, wax aad uga baahantahay wasiir amni malahan, sharafta aad leedahay haku waayin, waxaa tahay imaankeenna, fadlan xalaal caleyk dheh xilkaan oo iskaga tag, ciyaalka xaafaddaa tahay warkaan ciyaarka xaafadda ee ah xalaal caleyk waa fahmi kartaa, Kheyre waxaan isna leeyahay dad aqoon leh oo waxbartay baa nahay, micno kuma sameyneeso inaad maalin walba been noo sheegto, mana nihin dad qaadan karo oo ay ku soconeyso, taas dal laguma wadi karo, Farmaajana waxaan leeyahay haddaan inta warkeena ku maqli weysay meel aad ku maqleyso oo ah Facebook baan kuguso qoreynaa, adaa arki doono, kuwa ku qalda ee saqda dhexe guriga kuguso dhaco kuguma sheekeya shacabka ku jajan, amniyaa dhalisay iyo dowlanimadiyaa soo celisay waxaa kaaga roon anaga oo runta kuu sheegeyno si aad wax u saxdo una guuleysato.

Waxaa qoray: Nuune Ali Hassan (Habeysane)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here