Wasiir Goodax oo Shacabka ka dalbaday inay kordhiyaan Dhagxaanta lagu xero waddooyinka (Dhageyso)

0
88

Wasiirka wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka dabaday shacabka Soomaaliyeed inay sii kordhiyaan dhagxaanta dowladda ku xirtay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in dalka Algeria uu ka wado xeris badan yahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in xaalad jirto oo dhanka amaanka ah lo xiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dhagxaanta ay maamlmo kooban ku xirnaan doonaan magaalada, si loo xaqiijiyo amaanka, waxaana uu u muuqdaa mid ka jawaabay su’aalo u yaala wasaaradda amniga xukuumadda.

“Dhagaxa Xooggaa meesha uu ka dabco kuwa kale dhiga si fiican si dariiqa uu u saxmo dhagaxaan nimankaan mucaaradka afka idiin galiyeen ma xumo amnigeena & Nolosheena ayuu badbaadinayaa.”ayuu yiri Goodax.

Wasiir Goodax Barre ayaa sheegay in dadka Shacabka looga baahan yahay in ay dhagaxaan sii dhiggaan meelaha hadda aysan oolin.

Dhagaxaanta waa weyn ayuu sheegay in ay sugayaan Ammaanka Caasimadda,iyadoo ay xusid mudan tahay in Magaalada ay ku sugan yihiin boqolaal Askari.

Iyadoo dhagxaanta ay ku xiran yihiin waddooyinka magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxaa wali magaalada Muqdisho ka dhacaya qaraxyada iyo dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan Al Shabaab.

Hoos ka dhageyso codka wasiir Goodax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here