“Qaxootiga Soomaalida ayaa sabab u ah inuu dhamaan waayo dagaalka dalka Yemen”

0
110

Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen ku sugan ayaa lagu eedeeyay inay door weyn ku leeyihiin dagaalada ka soconaya dalka Yemen, waxaana la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Dowladda Yemen ayaa ku eedeysay qaxootiga Soomaaliyeed inay dagaalka qeyb ka noqdeen, islamarkaana ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta.

Taliyaha Ciidanka Dowladda Yemen  Jeneraal Khaalid Al Qamli ayaa sheegay in dagaalka sii socda ee dalka Yemen ay qeyb ka yihiin Qaxootiga Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in mar hore laga adkaan lahaa kooxda Xuutiyiinta balse Soomaali iyo Oromada ay qeyb ka yihiin dhamaan la’aanta dagaalada Yemen.

Waxaa uu Jeneraalku sheegay in Ciidamadiisa ay u baahanyihiin in ay helaan taageero caalami ah oo laga siiyo si uu Badaha uga hortago Tahriibayaasha una diido in ay galaan Yemen.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay dowladda Yemen u baahantahay Agab Milatari maaddaama Kooxda Xuutiyiinta ah ay taageero toos ah ka heysato Dowladda Iraan.

Bishii la soo dhaafay Dowladda Yemen ayaa sheegtay in 30 Qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen dagaalka u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo dowladda,waxaana ay Soomaalida la safnaayeen Jabhadda XUutiyiinta ah sida ay sheegtay Dowladda Yemen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here