Afar calamadood oo muujinaya in al shabaab ay ka awood badan yihiin Dowlada

0
49

Markii aad eegto xaaladda Soomaaliya islamarkaana aad si dhab ah ugu kuur gasho waxaa kuu muuqanaysa in Al-Shabaab ay awoodda wayn ku leeyihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya halisna ay ku yihiin nolasha dad badan oo maras ah.

Dad badan ayaa aaminsan in 4 sababood ay marqaati u yihiin in Al-Shabaab ay kaga awood badanyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya gobalada Koonfurta iyo bartamaha dalka.

Calamdaahaas hoos u dhigaya awoodda Dowladda, islamarkaana muujnaya midda Al-Shabaab ayaa kala ah.

  1. Al-Shabaab waxay canshuur bilo iyo sanadle ah ka qaadaan inta badan ganacsiga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobalada kale Koomfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, mana jirto cid diida amarkooda.
  1. Garsoorka ugu way n ee maanta ka shaqeeya Soomaaliya, waa maxkamadaha Al-Shabaab waxaana gar bax u taga Ganacsato, Ciidan iyo Shaqaale Dowladeed, iyo qaybaha kale ee Bulshada. Al-Shabaab waxay go’aano ka gaaraan hanti ma guurta ah oo ay xalin waysay Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale garsoorka Al-Shabaab ayaa looga kalsooni badan yahay kan dowladda, maadaama aysan lacag iyo musuq-maasuq ku lug lahayn
  2. Al-Shabaab waxay maamushaan oo ay u taliyaan dadka ku hoos nool dowladda Soomaaliya iyo kuwa soo dhisay oo aan heysan difaac dowladeed iyo amni midna. Go’aankii ugu dambeeyay ay qaateen waxa uu ahaa, in Odayaasha dhaqanka ee soo dhisay dowladda Soomaaliya looga yeeray xarumaha Al-Shabaab walina aysan ka hadli dowladda Soomaaliya.
  1. Magaalada Muqdisho oo ah meesha ugu wayn oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya waxaa weerar ku ah Al-Shabaab oo aan magaalada Saldhigyo ku laheyn halka ay Dowladda tahay difaac. Wadooyinka Muqdisho iyo go’doonka gobalka ka jira waxaa sababay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab halkii ay aheyd iyaga lagu go’doomiyo Jubada dhexe iyo degaanada kale ay joogaan, oo lagu weeraro, balse taa beddelkeed dowladdii ayaa jidadka dhagaxaan kaga goosatay Shabaabka qaraxyada kasoo gelinay gobollada Shabeellooyinka oo ay ahayd in kagu ugaarsado.

Qodobadaan iyo kuwa kale ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay wali muuqato saameentooda awoodda ah islamarkaana ay ku qariyeen Awoodda Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here