Dowlada oo degmoyinka muqdisho ka bilawday diiwangalinta dadkii u codeyn lahaa Farmaajo

0
42

Qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka billaabatay diiwaan gelinta dad la soo xulay kuwaas oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar.

Si rasmi ah looma ah oga waxa laga damacsan yahay dadkaan balse waxaa dadkaan soo xulaya xubno ka tirsan Xoogagga Wadaniyiinta Gobalka Banaadir, oo ah Urur sanad ka hor ay dhistay Villa Somalia, iyo Saraakiil ka tirsan Xisbigii Tayo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka la soo xulayo ma ahan kuwa ku soo baxa imtixaan balse waxay ku yimaadaan is garasho, waxaana laga iibiyaa fikir ah taageerada Dowladda iyo garabsiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale dadkaan ayaa u badan beelo gaar ah waxaana laga qorayaa magacyo iyo Numbero, waxaana sidoo kale laga reebayaa Sawiro iyadoo lagu wargelinayo in uu taageero Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ma jirto wax lacag ah ilaa hadda u bilaabatay balse waxa ugu weyn ee loo balan qaaday ayaa ah ka mid noqoshada Xisbiga Madaxweynaha iyo in la siin doono Fursado shaqo halka qaarkoodna loo balan qaaday lacag iyo jagooyin sare.

Xog intaas dhaafsiisan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in doorashada Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod islamarkaana laga qabto magaalooyinka ay dagan yihiin Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana dadka codeyn doona ay noqon doonaan dad aan aad u tira badneen.

Dadka ay diiwaan gelintooda ka bilaatay Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee qaata kaararka codeynta iyo sidoo kale in ay noqdaan kuwa ugu badan ee la diiwaan geliyo si Madaxtooyada Soomaaliya mar kale u guuleysato.

Barnaamijkaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga bilaabo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la gaarsiiyo Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug.

Wali lama shaacin nuuca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya balse waxaa la filayaa in ay laba mid noqoto kuwaas oo kala ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here