R/W Netanyahu oo go’aan ka gaaraya Ilhaan Cumar kadib markii..

0
58

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa go’aan ka gaaraya qorshe ay Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ku dooneyso inay bisha soo socoto ku booqato Daanta Galbeed, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Israel.

Ilhaan ayaa waxaa sidoo kale socdaalkan ku weliya Rashida Tlaib oo Iyana ka tirsan Aqalka Wakiilada. Rashida ayaa asal ahaan kasoo jeedda Falastiin, hase yeeshee waxay ku dhalatay Mareykanka.

Israel ayaa meel-merisay sharci u diidaya inay Daanta Galbeed soo galaan dadka taageera dhaqaaqa loo yaqaan BDS oo ah mid lagu qaadacayo Israel inta ay ka ogolaaneyso xeerarka caalamiga ah, ayna ka baxeyso dhulalka ay ka haysato Falastiiniyiinta.

Netanyahi ayaa sharciga u adeegsan kara inuu Ilhaan iyo Rashida u diido inay soo galaan Daanta Galbeed. Si kastaba, wasaaradda arrimaha dibedda Israel ayaa loo gol yahay inay mararka qaar hareer marto sharciga, haddii diidmada qofka loo arko inay dhaawici karto xiriirka arrimaha dibedda, sida uu weriyey wargeyska Haaretz.

Sida uu leeyahay wargeyska, Netanyahu ayaa hadda looga fadhiyaa inuu shaaciyo go’aankaas ku aadan Ilhaan iyo Rashida, oo doodo badan ka dhaliyey Mareykanka, ayaga oo u doodiddooda xuquuqda Falastiiniyiinta loo rogay inay naceyb u qabaan Yahuudda.

Ilhaan Cumar ayaa Arbacadii u sheegtay wargeyska Jewish Insider in iyada iyo Rashid ay qorheynayaan inay gobolka booqdaan toddobaadyada soo socda.

Labadooda ayaa dhowaan waxay diyaariyeen sharci xaq u siinaya dadka Mareykanka inay qaadici karaa Israel oo ay taageeri karaan BDS, inkasta oo ay u badan tahay inuusan ka anisixin Aqalka Wakiilada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here