Xildhibaanada taageersan Axmed Madoobe oo Warqad digniin u diray Farmaajo, cabdi Xaashi & Mursal

0
71

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hannaanka ay u socoto doorashada Jubbaland, iyagoo eedeyn u jeediyay Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedkan ay soo saareen Xildhibaanada labada Aqal ayaa intiisa badan wuxuu ku qotomaa doorashada Jubbalanad,faragelinta ay ku heyso Dowladda Federaalka iyo dowrka Beesha caalamka kaga aadan.

Waxaana Qoraalka loo diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay waajib tahay in cid kasta ay ixtiraamto Nidaamka iyo dastuurka dalka.

Xildhibaanada Labada Gole ayaa sheegay in Xukuumadda ay iska indha tireyso Dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan, ayna faragelin ku heyso doorashooyinka Jubbaland, taasoo aanay u adeegeyn Maslaxadda dalka iyo tan reer Jubbaland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dalalka deriska ah ay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo meel ka dhac ku ah Qaranimada iyo madax bannaanida dalka, iyagoo tilmaamay in Saraakiil ka socota mid ka mid ah dowladaha deriska oo taageero ka heleysa Madaxda Villa Soomaaliya ay u soo bareereen inay farageliyaan arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here