Xildhibaanada Jubbaland oo codsi deg deg ah usoo diray dowladda Soomaaliya

0
89

Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland oo dhowaan Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu baaqay dowlada federalka in ay xayiraada ka diyaaradaha ka qaado garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay xildhibaanada ku sheegeen in dadka rayidka ah ay dhibaato kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaado duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

“Xildhibaanada oo si qoto dheer uga hadlay dhibaatada ay dadka rayidka ah kasoo gaartay xayiraadda diyaaradaha Kismaayo ayaa Dowladda Federaalka ka dalbaday in ay xayiraadda ka qaaddo duulimaadka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo” ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulanka Xildhibaanada.

“Xildhibaanada ayaa sheegay in dhibaatooyinka ugu daran ee ka dhashay xayiraadda ay gaareen dadka rayidka ah, sida dadka xanuusan oo ay adag tahay in dhaqso lagu gaarsiiyo goobaha Isbitaalada maadaama xayiraad la saaray diyaaradahii tooska ahaa”.

Sidoo kale Xildhibaanada baarlamaanka Jubbland  ayaa “afduubka” ku tilmaamay Xariga Ciidanka Booliska Soomaaliya ay magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay ugu geysteen Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo wajahaya eedo loo heysto.

Ugu dambeyn Xildhibaannada ayaa dowladda ay ka dalbadeen in xurriyadiisa la siiyo Wasiirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here