Sawirro: Filish oo kormeer gaar ah ku sameeyey afar degmo

0
62

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kormeer ku sameeyey illaa afar degmo oo kala ah Shibis, Boondhere, Shangaani iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa u kuur galayey xaaladaha dhanka amni isaga oo booqday saldhigyada Booliska ee degmooyinkaasi.

Sidoo kale u jeedka ayaa ahaa mid uu Duqa magaalada Muqdisho ku qiimeynayey, sida ay maamullada degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada Booliska ula falgalaan howlaha amniga.

Guddoomiye Filish ayaa amray guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil iska saaraan sugida amniga degmooyinka ay maamulaan.

Waxaa kale oo uu ugu baaqay inay wada shaqeyn la yeeshaan qeybaha kala duwan ee shacabka, si looga hortago falalka liddiga ku ah amniga.

Ugu dambeyn ciidamada ammaanka ayuu uga mahadceliyay sida ay u sugayaan amniga magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here