Is-beddello ka socda hareeraha PUNTLAND oo sababi kara inay bur-burto

0
84

Xilligii Cabdullahi Yusuf uu ahaa madaxwaynaha Puntland, gobollada Puntland maamusho waxay ahaayeen shan gobol (Sool, Sanaag, Bari, Nugal, iyo Mudug). Kadib markii Cabdullahi Yusuf soo aaday Muqdisho ayaa Somaliland dhanka waqooyiga waxay Puntland ka qabsatay dhul badan. Dhanka koofurtana qayb wayn oo ka mid ah gobolka mudug ayaa Puntland ka go’ay oo ku biiray maamul cusub oo loo baxshay Galmudug). Sidaasna Puntland ku dhaafay dhul ku dhow labo gobol iyo bar oo iyadu markii hore ka tirsanaan jiray.

Waqtigaan hadda ah waxa kale oo iyana jira isbeddalo socda oo door wayn ka ciyaari kara soona de-dejin kara bur-burka Puntland. Isbeddeladaas waxaa ka mid ah: laba dekadood oo la qorshaynayo in laga kala dhiso Hobyo iyo Garacad.

Saamaynta Dekadda Hobyo yeelan karto

Haddii lagu guulaysto in Hobyo laga dhiso Dekad lagu dejin karo Containers waxaa dhici doonta in dekedda Boosaaso iyo tan Muqdishaba ay lumiyaan suuq badan oo ay hadda haystaan. Hobyo way uga dhowdahay Boosaaso magaalooyinka gobollada dhexe (Garowe, Galkacyo, Burtinle, Beledwayne, Cadaado, Guriceel, Dhuusamareb, Caabudwaq, Matabaan, iyo magaaloyinka ku yaal xadka Itoobiya ee Hiiraan). Dekedda Boosaaso hadda lagama dejin karo Containers sidaa awgeed wixii badeeco ah oo ku imaanaya Containers waxa laga soo dejiyaa tan Berbera ama Muqdisho.

Dekadda Boosaaso haddii suuq beel ku dhaco waxay reer Bari samayn doonaan hadda cid garanaysa ma leh laakiin waxaan shaki ku jirin in nooc isku dhac ah uu ka dhex dhici doono maqaawiirta Garow, Bosaso, iyo Galkacyo.

Saamaynta Dekadda Garacad yeelan karto

Sidoo kale, dekadda hadda dhismaheeda laga bilaabay Garacad waxay iyana sababi kartaa in tan Boosaaso ay lumiso suuqa gobollada dhexe oo dhan iyo in reer Puntland ay u kala jabaan reer Mudug, reer Bari, iyo reer Nugaalna oo waliba reer Nugaal noqdaan dhextaal hadba meeshii u jaban u jan-jeersada, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba.

Maadaama waxa keliya ee maamul goboleedyada Somalia isku haya ay yihiin dhaqaale ama qabiil, oo aysan jirin wax waddanka u danaynaya, danta guud ka hormarinaya danta gaarka ah, ama diin iyo dhaqan wanaagsan raacaya, markii baahidaas dhaqaale ee isku xiraysa Mudug, Bari, iyo Nugaal ay meesha ka baxdo, oo gobol walba uu helo dhaqaale uu u madax banaan yahay, arrintu waxay isugu biyo shuban doontaa qabiil iyo anagaa reer hebel ah oo xukunka mudan, haddii kale qolo walba gobolladeeda ha maamulato.

Sidaa awgeed, si aan waddanku u sii kala bur-burin waa in arrimahaas laga feejignaadaa oo dawladda dhexe ay noqotaa tan  maamusha dekadaha, garoomada diyaaradah, iyo xuduudaha waddanka oo dhan, cir, dhul, iyo badba. Waa inaan qabiil, gobol, iyo maamul-goboleed midna yeelan karin maamulina karin dekad, garoon, and xuduud.

Inay Puntland mareegta bur-burka gasho waxaa sabab u ah in-dhow-garadnimada madaxdeeda iyo qaabka qabiilka ku salaysan ee lagu maamulo Puntland. Shakhsiyaadka bur-burka horseedka u ahna waxaa ugu wayn madaxwanayashii maamulka Puntland soo qabtay, Cadde, Faroole, Gaas, iyo Deni, oo kulligood ku guul darraystay inay soo dhiciyaan dhulka Somaliland ka qabsatay Puntland, iyo inay reer Puntland si siman oo cadaalad ah wax ugu qaybiyaan, u maamulaan, musuqmaasuqana ula dagaallamaan; iyo kooxda Aaran Jaan(The kids of the devil) oo iyaguna boqnaha gooyay dhaqaale iyo maamu-wanaagga dawladda Puntland.

Iyadoo Puntland bur-burkaas wajahaysa bay haddana waxay had iyo jeer hor booddaa wax walba oo iska hor keeni kara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada, halkii ay beddelkeeda ugu mashquuli lahayd sidii ay gudaheeda u hagaajin lahayd. Fahimi waayay sababta. Ujeeddadu ma waxay tahay, haddii anagu aan bur-burayno, dalkoo dhan ha nala bur-buro, mise caqli yari iyo aqoon darro baa halkaas dhigtaye iyagu waxba ma hakran.

Maama eeddayda ah baa waxay dhihi jirtay waxaan had iyo jeer BBC-da ka maqlaa Indheer-garad, culumaa-u-diin, aqoonyahano, iyo siyaasiyiin beeleed oo meel ku shiray, waddankiina waxba way tari waayeen oo sidaanuu u bur-bursanyahay ee maandhow “Indheer-garadka Soomaaliyeed oo la sheego meeye anigu waayay e.”

Ugu dambayn, wel-welka ugu wayn oo aan qabo waxa weeye, haddii dekadda Boosaaso suuq beesho oo reer Bari xagga dhaqaalaha ka curyaamaan, waxaa dhici karaysa in Imaaraatku goballada Bari oo dhan uu kula wareego si dhib yar oo aan kharaj badan uga bixin, sababta oo ah Soomaali waddan qiimo uguma fadhiyo ee wixii jeebkooda galaya iyo inay qurbe wareegaan bay yaqaanaan. Qofkii raba inuu arko xumaanta imaaraatkana ha uga cabbir qaato waxay ku sameeyeen Yemen, Libiya, Suuriya. Markay waddamadaas bur-buryeeen bay haddana rabaan inay midkiiba dhow waddaan u kala jaraan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay shirka dib-u-heshiinta reer Galmudug wuxuu yiri ujeedada shirku waxa weeye “Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo…. Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan.”

Goormaa reer Puntland intaas fahmi doonaan.

Ugu dambayn, ana sidii eeddaday baan waxaan is waydiiyaa indheer-garadka Puntland oo la sheego aawaye anigu arkiwaayay e. Madaxda Puntland ma kala laha muxaafid iyo mucaarad, badankoodu waa munaafiqiin qabyaalad boqno goysay, oo maanka iyo maskaxda ka degtay.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here