Askar ka tirsanaa ciidamada DF oo lagu dilay Buulo-Burte

0
72

Wararka naga soo soo gaaraya Buulo-Burte ayaa ku warramaya in xalay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda, lagu dilay duleedka degmadaasi, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Askarta la dilay oo labo ahaa, islamarkaana ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay ilaalo ka hayeen Ceel Biyood laga qodayo duleedka magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa Xoghoose.com u xaqiijiyey in dilka askartaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan baaritaano xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah Buulo-Burte.

Ammaanka degmadan ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid aad looga deyrinayey, waxaana weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulinayey dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhankooda gobolka ka wada howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here