DEG DEG:-Amar Culus Oo La Dul dhigay Wariyeyaasha Sugaya Shirka Jaraa’id Ee Shariif Xasan Qaban Rabo

0
157

Wariyeyaasha kusugan Magaalada Baydhabo Madaxtooyadeeda waxay sheegeen in ay weli sugayaan Shirka jaraa’id uu qaban doono Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa adag in la ogaado go’aanka uu qaadan doono iyo waxa uu Shariifka kaga hadli doono Shirkaasi Jaraa’id.

Kulan ayaa waxa uu goordhaw usoo dhamaaday Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng, Cabdi Maxamed Sabriye,iyadoo waxa ay kawada xaajoodeen lasii shaacin Karin.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in Shariifka ay ubadan tahay inuu Tanaasuli doono oo tartanka doorashada iskaga harayo.

Wariyeyaasha ayaa looga diiday inay Live Kasoo galaan Facebook sida Xog heynada Madaxweyne Shariif Xasan Amar kasoo Saareen,taas oo adkeysay in Xogta Madaxtooyada la helo si dhaqsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here