Hadalkii Cuslaa Ee Shariif Xasan Ka Jeediyey Shirkiisii Jaraa’id & Dhago Hadalkii Wasiir Sabriye Ku Sameeyey

0
156

Magalaada Baydhabo waxaa shir jaraa’id ku qabtay Abaare 5:10 Daqiiqo Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan inuu iska casilay Xilkii uu ka hayey Koonfur Galbeed,iyadoo shakiga uu yahay in Lacag la siiyey Dawlada Dhexena ay ku qasabtay inuu tartamin.

Shariifka waxa uu sheegay in si kumeel gaar ah xilka uu ku wareejiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Ka hor Is Casilaadiisa Shariifka waxa uu kulan Albaabada uxirnaa la qaatay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Eng, Cabdi Maxamed Sabriye.

Shariifka waxa uu sidoo kale shaaca ka dhigay inuusan utartami doonin doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyadoo la ogeyn waxa ku riixay inuu sidaas sameeyo.

Waxa uu sheegay inay Dawlada Dhexe ay dagaal qaawan kusoo qaaday,islamarkaana uu sidaas isku casilay.

Waxaa la filayaa inuu Shariif Xasan Aado Dalka Kenya muddooyinkii dambena Ganacsi ka abuuranayey,sida ay inoo sheegeen dad lagu kalsoon yahay.

Hadal heyn xoog leh ayey ka dhex dhalisey Madaxda Soomaalida iyo Siyaasiyiintaba Is Casilaada Shariif Xasan oo kuwa ugu miisanka culus ku jiray Hardanka Siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here