XOG: Cabsi soo Wajahday Madaxweyne Gaas iyo Qorshe ka dhan Villa Somalia uu wado

0
252

Warar hoose ay heleyso Xoghoose.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu ka cabsi ka qabo inuu ku fashilmo Tartanka Doorashada Madaxweynaha Puntland oo lagu wado inay ka dhacdo Garoowe.

Cabdi Weli Gaas oo waqtiga xil heyntiisa ay sii dhamaaneyso ayaa doonaya inuu waqti kororsi sameeyo isagoo ka war qaba faragalinta Dowlada oo cabsi weyn ka abuurtay tan iyo markii uu ka tanaasulay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo si dhow ula socda Madaxweyne Gaas ayaa inoo sheegay in Isimada Puntland uu u deyriyay Gaas ka dib markii isku dayeen inay Wada hadal lagu heshiisiinayo Dowlada Dhexe iyo Puntland la galaan.

Villa Somalia ayaa Cabdi weli Gaas u adeegsan doonta Xildhibaanada iyo Isimada Puntland waxayna u badan tahay inuu mari doono wadadii Shariif Xasan laakiin waxaa suurta siyaasad ka adag tii Shariif Xasan la yimaado.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Puntland ayaa walwal ka qaba doorashada, isagoo ka cabsi cadaadiska Dowlada Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here