Qorshe cajiib ah oo amniga magaalada Muqdisho lagu sugi karo oo lasoo jeediyey

0
184

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalo ay ka dhacaan qaraxyada ugu badan oo sababa dhimasho iyo dhaawac soo gaarta dadka la bartilmaameydsado iyo Shacab badan.

Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in Qaraxyada badan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho inay sabab u tahay is dhigashada ay sameynayaan dadka masuulka ka ah laamaha amaanka.

G/Sare Khaliif Idiris Cismaan, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka ayaa soo jeediyey qorshe cajiib oo ah in ammaanka Muqdisho uusan ku xirneyn gudaha magaalada, balse uu yahay banaankeeda.

Waxa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho kaliya aan laga xaqiijin karin gudaha magaalada balse loo baahan yahay in banaanka laga xaqiijiyo, oo marka hore laga xoreeyo Shabaab deegaanada Muqdisho duleedkeeda ku yaalla.

Wuxuu sheegay in ciidamada amaanka waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka Soomaaliya gaar ahaan difaaca dadka shacabka ah, isaga oo sheegay in kaliya ciidamada ay kusoo aruureen inay difaac noqdaan oo aysan weerar aheyn.

G/ Sare Khaliif, wuxuu sheegat in muhiimada Koowaad ay tahay in su’aal la iska weydiiyo sida gaadiidka ay kusoo gaareen Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, kadibna ay soo baxeyso in qaraxyada lagu farsameeyay gudaha magaalada ama in banaanka uu ka yimid.

Haddii taasi la ogaado, ayuu sheegay inay sahlanaan doonto helida xogaha kale ee la xiriira halka gaadiid lagu diyaariyo iyo sida ay kaga soo gudbaan goobaha ay joogaan ciidamada, kadibna amaanka la xaqiijin doono.

Saraakiisha ciidamada iyo askarta joogto goobaha ilaalada ama halka lagu baaro gaadiidka ayuu soo jeediyay in wax badan laga weydiiyo sida gaari qarax wado kusoo dhaafo halka ay joogaan, kadibna la ogaan doono xaqiiqooyin badan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in loo baahan in ciidamada ay heystaan aalado casri ah oo lagu ogaan karo gaariga qaraxa wada iyo midka aanan wadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here