Sirta ku qarsoon iyo halista deeqaha waxbarasho ee Itoobiya siineyso ardayda Soomaaliyeed (Warbixin)

0
119

Dadka Soomaaliyeed waxay xasaasiyad xooggan ka qabaan dhaqdhaqaaqa Itoobiya. Waxay u arkaan inay tahay cadowgooda koowaad. Cadaawaddaan maahan mid ka dhalatay dagaalo hore ee waa natiijo ka dhalatay duullaanka joogtada ah ee Itoobiya iyo faragalinta aan jogsiga lahayn ee ay ku hayso arriimaha Soomaalia. Fal walba oo ay samayso siduu doono ha u qurxanaadee waxay Soomaalidu ku fiirisaa il shakisan waxayna ku shaabbadeeyaan khiyaano ay u maleegayso dadka Soomaaliyeed.

Waxa inta badan noo muuqdo waa tallaabooyinka militiri ama kuwa siyaasadeed ee sida muuqato noogu wajahan. Laakiin dad yar ayaa arko awooddo jilicsan ee ay Itoobiya bilowday inay isticmaasho si ay u hanato qalbiyada dadka Soomaaliyeed. Qormadaan gaaban waxaan ku iftiimin doonaa mid ka mid ah awoodaha jilicsan ee ay Itoobiya noo isticmaasho waa waxbarashda sare e si ay u baddasho aragtideenna iyo fahamka aan ka qabno duullaankeeda.
Eray cilmiyeedka ‘awoodda jilicsan’ waxaa guntay borofeesar wax ka dhigo jaamacadda caanka ah ee Havard ee Maraykanka ku taal. Maccalinkaan oo lagu magacaabo Joseph Nye wuxuu aragtiyo badan ku leeyahay cilmiga siyaasadda. Nye wuxuu ku qeexay awoodda jilicsan ” inaad ku hesho waxaad rabto sifo soo jiidasho baddalki aad ku heli lahayd xoog ama laaluush”. Aragtidaan waxay qabtaa in dalalku awood u leeyihiin inay dal kale ku qanciyaan inuu u dhaqmo sida ay iyagu danta ugu jirto.
Awoodaha jilicsan ee la isticmaalo waa ay badan yihiin. Waxaa ka mid ah waxbarashada sare (heer jaamacadeed). In waxbarsho sare loo isticmaalo hanashada dalalka kale waa mid guun ah. Joseph Nye ma uusan dhalan marki uu Admund James oo ahaa madaxi jaamacadda Illions markaas uu ku qoray waraaq uu u diray madaxweynihi waqtigaas marakaynka  xukumay erayadaan ee Franklin Roosevelt “Dalka maanta ku guulaysto inuu waxbaro jiil Shiinaha ee soo kacayo, ayaa noqon doono midka gurta miraha ugu muhiimsan jiilkaas dhaqan ahaan, damiir ahaan, saamayn ganacsi iyo mid aqooneedba”. Admund waxaa u muuqady awoodda waxbarashada inay hanan karto dalka kale iyadoo xoog loo sheegan. iyadoo taas laga duulayo, Maraykanku wuxuu billaabay koorsooyin la siinayo ardayda kasoo jeedda dalalka uu danaha ka leeyahay sanadki 1908’di. Ilaa waagaas waa ay socotay laakiin waxay ku kobnayd dalalka qaniga ah. Dhawaanahaan waxaa kusoo biiray dalalka soo koraya sida Shiinaha, Baraasiil iyo Turkiga iyo Itoobiya oo innaga si gooni ah noo qusayso.
Sanidihii inoo danbeeyay Itoobiya waxay deeqo waxbarasho siinaysay arday soomaaliyeed oo aad u badan. Tusaale, sanadkaan waxay Soomaalilaan ka qaadeen 306 arday. 200 oo ardaydaan ka mid ah waxay billaabayaan heerka koowaad ee jaamacadda, 100 waa heerka labaad halka 6’da soo hartay ay diyaarin doonaan PHd. Tiro intaas ka badan ayaa isla sanadkaan Xamar laga qaaday oo iyaguna koorsooyin caynkaas ah samayn doona. Taasi waxay ka dhigantahay in in ku dhow kun arday oo soomaaliyeed ay sanadkaan kaliya waxbarasho sare u aadeen Itoobiya. Deeqahaan horay waa u jireen laakiin si xad dhaaf ah ayay u kordheen ilaa sanadki 2014’ki, inay sii siyaadi doonaan ayayna u badan tahay maadaama damaca Itoobiya sii kordhay.
Deeqaha waxbarasho dowladaha waxaa ooga baxo qarash aad u tiro badan. Ardaygiiba dhaqaale gaarayo tobannaan kun oo isugu jiro khidamada koorsada, nolosha iyo caawin kale ayaa ku baxdo. Tusaale, dowaladda Shiinaha waxay sheegtay inay sanadlkaan oo kaliya u qorshaysay US$469 milyan inay ku bixiso deeqaha ay siinayso ardayda dibadda ay kasoo qaaddo. Laakiin faaiidada laga rajaynayo ardayda la qaadayo  iyo danaha laga leeyahay ayaa ka qiimo badan qarashaka galayo.
Dowladaha Deeqaha bixiyo dano kala duwan ayay ka leeyihiin ardayda ay siinayaan sida inay helaan  shaqaale xirfad sare leh iyo inay nidaamkooda waxbarsho dadka kale baraan. Laakiin midda ugu muhiimsan udub dhexaadna u ah deeqda waxbarsho waa iska iibinta dadyowga kale iyo hanashada qalbiyada kuwa deeqda la siiyay.
Koorsooyinka ardayda la siiyo qaar waxaa loogu talagalay dadka looga rajo qabo inay dalalkooda madax ka noqdaa mustaqbalka oo kaliya. Dadkaan waxaa dhici karta inay kasoo jeedaan qoysas waqti dheer dalkaas taladiisa hayay sida Sacuudiga. Waxaa sidoo kale dhici karta inay yihiin dad muujiyay firfircooni iyo dadnimo dheeraad ahna kana soo muuqday saaaxada hoggaanka dalkiisa. Tusaale, koorsooyinka ay bixiso Chening oo ay maalgaliso wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingriiska waxaa loogu tagalay kaliya kuwa diyaarinayo heerka labaad ee jaamacadda loogana rajo qabo inay dalkooda xukun ka qabtaan mar un. Dalalka kale ree Galbeedkuna waxay leeyihiin koorsooyin noocaan ah. Tani waxay dhashay in maanta 155 ka mid ah madaxda hoggaamiso dunida ay wax kusoo barteen sadddex dal oo kaliya kuwaas oo kala ah Maraykanka (58), Ingiriiska (57) iyo Faransiiska (40).
In ka badan 95% koorsooyinka deeqaha loo bixiyo waa artis sida taariikh, falsafad iyo maamul iyo maarayn. Koorsooyinkaan waxaa loo diyaariyaa hab ardayda loo qaadsiin karo sida u roon dalka deeqda bixinayo ayna u xambaari karaan dhaqanka iyo mabaadida dalkaas ku weyn. Inta ay ardaydu waxbarashada ku jirto waxay baran luuqadda dalkaas oo ka mid ah shurudaha dowladuhu deeqda ku bixiyaan. Sidoo kale, waxay baran dhaqanka iyo mabaadida ka jirto dalkaas waxaaba laga yaabaa in lagu qulaamiyo mabaadi’ gooni ah mararka qaar.

Tusaale, ardaydi Soomaaliyeed ee 60 aad iyo 70aad waxbarashada loogu diray dibada waxay lasoo noqdeen mabaadi’ is diidan. Kuwii loo diray waddamadi Bariga waxay keeneen hanti wadaag halka kuwii aaday Galbeedka ay keeneen hanti-goosad. Dhinaca Carabta  kuwii aaday waxay soo xambaareen madaahib iyo caqiidooyin ku cusubaa gayiga Soomaalida.

Inta ay ardaydu joogaan dalalka ay wax ku baranayaan waxaa dabiici ah inay jeceyl u qaadaan dhaqanka, luuqadda iyo habdhaqanka ka jira meelaha ay booqdaan. Waxay xariir dhow la yeeshaan dad badan oo dalkaas kasoo jeedo ama ay ku kulmeen goobaha waxbarashada. Jeceylkaas wuxuu keenaa inay marki ay dalkooda kusoo laabtaan isku dayaan inay ka hirgaliyaan mabaadidi ay soo xanbaareen iyo luuqaddi ay lasoo dhaceen. Tusaale markale usoo qaado Soomaalidi dibadda waxbarashada u aadday.

Marki ay dalka kusoo laabteen ardaydii Bariga, Galbeed ama Carabta tagay, waxay billaabeen faafinta iyo hirgalinta madaadidi ay soo xambaareen iyagoo kaashanayo xariiro hoose oo ay la lahaayeen dalalki ay wax kusoo barteen. Waxay samaysteen kooxo isugu xiran afkaar ka dhaxayso iyo dano hoose. Qaarkood waxay isku dayeen xataa xoog ku meel mariyaan afkaarta koytada ah ee ay dalka keeneen taasoo ilaa maanta raadkeedi sii muuqdo.

Waxaad kalood aad u taqaan in koox walba afka ay wax kusoo barteen ay jecelyihiin inay ku hadlaan, wax ku qoraan, iskuna qaraabaystaan. Waxaad aragtaa maalin walba  iyadoo kuwa Carabta ka yimid ay Carabi kaliya faysbuugga iyo baraha buslahada ku qorayaan. waxaad aragtaa iyadoo kuwii Kiinya ka yimid ay Sawaaxili ka dhigteen afkooda koowaad. Waxaad aragtaa kuwii Ingiriis wax ku bartay oo aan labo kalmad oo Soomaali ah isku xijin karin iyagoo aan Ingiriis ku barxin. Waxaa intaas la socdo inay inta isku af wax ku baratayba si gooni isagu xiranyihiin dalki ay wax kusoo barteenna xariir gooni iyo mudnaan dheeri kala dhaxayso.

Waxba kama khaladana in dibadda waxbarasho loo aado. Aqoonta qofku soo barto ka sakow, ruuxa tago dal kale wuxuu lasoo noqdaa ilbaxnimo, bisayl iyo waayo-aragnimo caawiso horumarinta dalka. Sidoo kale, arrin xun maahan in dowladuhu isticmaalaan awood jilicsan si ay u hagaajiyaan xariirka kala dhaxeeyo dalalka kale. Dhabti dunidu maanta waxay u baahantahay isu soo dhawaansho iyo joojinta isticmaalka awood militiri, isdhexgal bulsho iyo iswaydaarsi aqooneedna waa arrinta looga gudbi karo colaad daba dheeraato.

Hasa ahaatee, waxaa jiro qiyaamooyin iyo halisyo qarsoon oo ku lammaan deeqaha waxbarasho. Ka sakow, dhaqammada badan ee dalka la keenayo iyo mabaadida lasoo dhoofsho, dowladaha deeqaha bixiyo waxay jaamacadaha ka howl galiyaan hayadaha sirdoonka. Sirdoonka ayaa xoogga saara inuu xariir la yeesho ardayda dibadda ka timid si ay ula shaqeeyaan marki ay dalkooda ku laabtaan. Gaar ahaan waxay xoogga saaraan dhalinta labaatanaadka jirto. Da’daan dhalinta jirto khibrad uma laha waayaha adduunka, waxaa sahlan in la hanto qalbikooda waxaana la baddali karaa waxa ay aaminsan yihiin sida uu sheegay Chris Simmons oo ahaa madixii dowladda Maraykanka u qaabilsanaa sirdoonka Maraynka arrimaha argagixisada. Chris intaas wuxuu ku daray, Sirdoonka dunida waa ay ka simanyihiin bartilmaamaydsiga jaamacadaha maadaama ay heli karaan dhalin dayacan.

Shaki kuma jiro in sirdoonka Itoobiya isku dayi doonaan inay qortaan qaar ka mid ah ardaydaan. Waxaa laga yaaba inay qaar badan oo ay soo qortaan dalka kusoo laabtaan, ka dib ay ku caawiyaan inay shaqo ka helaan haydaha muhiimka ah ee dowlada sida gaashaandhigga, maaliyadda iyo horumarinta si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa dalka una duufsadaan siyaasadda Soomaaliya.

In qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo madaxdaba ay Itoobiya jaajuus u yihiin waa mid ku baahsan soomaalida dhexdeeda. Inkastoo aan caddayn muuqato loo hayn, dadkaan waxaa dad caan ahaa oo horay loo yaqaannay xariirka ka dhaexeeyay iyaga iyo Itoobiya ka hor inta aysan xil qaban. Laakiin caruur labaatan iyagoon gaarin Itoobiya loo diray ka dibna aysan cidi la socon waxa ay qaban jireen iyo meelaha ay tagi jireen way ka duwanyihiin kuwa hore. Waxaa soo laaban kumannaan muuqaalka iyo dhiigga Soomaali ka ah laakiin caqliga, dhaqanka iyo habfakerka Itoobiyaan ka ah.

Qiyaas marka sanad walba ay dalka kusoo laabtaan kun wiilal iyo gabdho soomaaliyeed ah oo Itoobiya wax kusoo bartay. Dhaqan noocee ah ayay keeni? Itoobiya cadow ma u arki doonaan sida aan haddaba ugu aragno? Saamayn intee la eg ayay dalka ku yeelan?

Dhalintaan waxay ka shaqo billaabi dhammaan hayadaha dowladda iyo waaxaha dad weynaha sida iskoollada, isbitaallada iyo gaadiidka dadweyanaha. Waxay ku sheekaysan Amxaari waxayna ka sheekayn waxyaabaha ay soo arkeen. Labo unbayna mid noqon:

Kow, inay dhaqanka iyo luuqadda xabashida dalkeenna ku faafiyaan ogaal la’aan. Arrintaas waxay horseedi inay baddalaan jiilalka soo socda kana dhigaan kuwo ka damman shirqoollada Itoobiya noo maleegayso. Waxaa meesha ka bixi xasaasiyadda iyo cabsida aan ka qabnay ajaanibta gaar ahaan Itoobiya. Cabsidaan ayaa ahayd middi uu dalkeenna ooga badbaaday qaadashada xoogag shisheeyo markuu burburku nagu dhacay. Wali ma is waydiisay sababta hal taako loo qaadan waayay innagoon haysan ciidan difaaco xuddeedaheenna?

Taasi waa haddii kaliya caruurta wax naloo soo baro oo aan howl kale la galin. Laakiin haddii la isagu daro dhaqan baddal iyo shaqaalaysiin waxaa soo laaban boqollaal Itoobiyaan noqday kana shaqeeyo danaha Itoobiya. Kuwaan iyadoo loo qabo aqoonyahaniin soomaaliyeed oo dibadda wax kusoo bartay ayaa loo dhiibi meelo muhiim ah. Iyagoo isticmaalayo mansabka ay hayaan ayay u adeegi Itoobiya Soomaaliyana minja-xaabin.

Ujeedkaygu maahan inaan diidanahay deeqaha waxbarasho. Dalkeena dib u dhac ayaa ka jiro. Wuxuu ku baahanyahay dhalin aqoon iyo xirfad leh isaguna ma dabooli karo baahidaas. Sidaas darteed cid walba oo deeq waxbarasho na siiso waa soo dhawayn. Laakiin waxaa muhiim ah inaan indhaha kala qaadno, inaan fahanno inay deeqda waxbarasho dhibaatooyin ku hoos jiraan. Waxaa muhiim ah in dowladda iyo kuwa xarumaha muhiimka ah gacanta ku hayo ay hubiyaan cidda ay shaqada u dhiibayaan. Dad weynaha Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay fahmaan inay Itoobiya farsoomooyin badan isticmaalayso si ay nabad ugala wareegto dhulkeenna. Yaannan eegin siyaasadda iyo ciidanka kaliya ee sidoo kalana aan eegno goobaha waxbarshada iyo deeqaha ay nasiinayso.

W/Q: Ibrahim Aden Shire

ishire86@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here