Maxay tahay Talaabada dowladda looga baahan yahay inay qaado kadib Qaraxii Shalay

0
76

Maalintii Shalay ayaa qarax lagu dilay taliyihii guutada 12 April ee ciidanka xooga dalka iyo abaanduulahiisa iyo askar badan oo la socotay, iyadoo dowladda ay sheegtay inay ahayeen dad usoo halgamay dalka.

Dadka falanqeeya arrimaha Amniga ayaa ku sheegay dilkii Shalay saraakiisha loo geystay inuu ka dhigan yahay guusha Al Shabaab ka gaareen inay hor istaagaan dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ciidamada ka wadeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgal ka waday gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahan deegaanada dhanka xeebaha oo Dhanaane ay ka mid tahay.

Waxay halkaasi ka wadeen dagaal ka dhan ah Al Shabaab si looga xoreeyo deegaanada dhanka xeebaha oo Al Shabaab ay ka heli jireen hubka iyo waxyaabaha ay ku dagaalamaan, sida khuburada amaanka ah sheegayaan.

Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uusan u joogsan doonin dilkii Shalay loo geystay saraakiisha ciidamada ee ka howgalayay muddooyinkii ugudambeeyay Shabeelaha Hoose.

“Labada Janaraal iyo askartii kale ee ku dhintay qaraxaas waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen Difaaca Dalkooda waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa lahaa   Al-Shabaab”ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Khuburada dhanka amaanka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay sameyso aargudida saraakiishii looga dilay Shabeelaha Hoose, haddii kale ay adkaan doonto iyo saraakiil kale ku dhiiradaan inay Al Shabaab dhanka xeebta kula dagaalamaan.

Arinta ayaa timid kadib markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda oo is garabsanaya howlgal gaar ah ay ka fuliyeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here