Soomaaliya Ma Kaah Iftiimay Bey U Tahay Isbadelka Geeska Africa Mise Ileys Damay Uu U yahay?

0
165

Isbadaladda Geeska Afrika waxay ka danbeeyeen kadib markii siyaasad furfuran oo aan lagu aqoon Ethiopia uu la yimid Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi Dr Abiy Axmed oo safaro Taariiqi ah ku tagay dalka Eritrea oo muddo gaaraysa 20 sano xiriirkooda uu xumaa dagaalana ay ka dhexeeyeen, Dalalka Masar iyo Sudan oo ay isku hayaan Biyaha Wabiga Niil, Dalalka Kenya iyo Uganda oo xuduud ay wadaagaan iyo dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo dano dhaqaalo iyo mid amni uu kala dhaxeeyo.

Fahamka iyo la jaanqaadidda dabaylaha siyaasadeed ee geeska waa arrin muhiim ah,gaar ahaan marka laga eego xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee dalka Soomaaliya ku sugnaa mudadii dhowrka iyo labaatanka sano ee uu burburka dhex muquuranayay.

Arrinta ku aadan in aan fahano isbadalka silsiladaha siyaasadda waa midda ugu muhiimsan waayo waxaa maanta dunida ka socda waa labo arimood oo isku gudban, fursad dhaqaale, horumar, iskaashi iyo dib u dhac bulsho dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasi ah.

Hadii aynu nahay bulshada Soomaaliyeed maxaa inala gudboon si aynu ula jaanqadno dabeylaha isbadal doon ee geeska ka socda wakhtigaan?

Su’aashan iyo kuwa la mid ah qof walba oo Soomaali ah maankiisa kama marna misna uma diyaarsana in uu ka jawaabo,sababtoo ah in aad jawaabtaa waxaa ay u baahan tahay in aad u diyaarsan tahay marka hore.

Haddii aan kaashanno tijaabooyinkii aan ka baranay waayaha nolosha  waxaa haboon  in aynu marka hore mideynaa aragtideenna iyo halbeegyada gobolka ku aadan si aynu iskugu diyaarino wax la qaybsiga bulsho mab’da iyo maskax ka mideysan lehna hal ujeedo oo ah sidii ay uga faa’iideysan lahayeen nimcada aynu ka gaajeysanahay ee alle ina siiyay.

Diinteenna Islaamka si cad ayay u qeexday muhiimadda ay u leedahay midnimada iyo wadajirka bulshada muslimka ah,arrinta ku aadan midnimada waa mida ugu muhiimsan oo bulsho ku horumari karto,si ay dadyowga kale wax ula wadaagan.

Dadka Soomaaliyeed marka laga hadlo guudka sare waxaa lagu qiimeeya dad kala aragti ah, qoqoban oo aan waxba isku ogoleen,laakin runtu sidaa way ka duwan tahay waayo waa hal Qowmiyad oo isku asal ah, isla markaana wadaaga wax walba laga hido raaci karo bulsho hal tafiir ka soo jeeda sida dhalashada, Diinta, Afka iyo dhaqanka iwm.

Dhanka kale Alle ayaa na solansiiyay Nimcadaas wayn oo uu yar yahay dal nala wadaaga,balse nasiib darro waxaa bulshadeena kala qaybiyay xoogag siyaasiyiin ah oo leh dano gaar ah iyo dowlado aan doonayn in aynu ahaano dad leh han iyo himilooyin.

Ma xuma istusaaleynta marka aynu eegno boqolka malyan ee shucuubta itoobiya oo leh hal ujeedo oo ah in ay helaan Marin badeed si ay u horumariyaan wax soo saarkooda kala duwan ugana baxaan faqriga iyo duruufaha nololeed ee ku xeeran.

Soomaaliya waxaa maanta la gudboon waa ka shaqeynta wada jirka iyo midnimada gudaha dalka, si aynu iskugu diyaarino kacdoonka isbadal dooon ee gobolka ka hanaqaday iyo fahamka baahideenna ku aadan Gobolka Istaraatiijiyadiisa marin biyood iyo tiisa dhaqaalaba tartanka loogu jiro uusan qarsoodiga ahayn ee Geeska Afrika.

Barnaamijka dib u hishiisiineed ee maamulka cusub ee Ethopia  uu ka wado gudaha dalkaasi ka kooban Qowmiyadaha faraha badan waa fariin muhiim ah ee  loo baahan in aynu ka faa’iidaysanno si wadajir ahna uga fekerno sidii aan u xoojin lahayn midnimada dadkeena iyo dalkeena,hadafkeenuna noqdo soo celinta haybadda iyo karaamada Qarankeennu caalamka ku lahaa.

Qarnigaan aynu ku jirno dad badan oo isir,dhaqan,diin,af ku kala duwan ayaa ka howlan sidii ay u midoobi lahaayeen oo ay u sameysan lahayeen iskaashi dhaqaale, dad iyo deegaan, si ay u soo bandhigaan awood kaalin muuqata ku yeelata aduunka.

Midnimadu waa Gidaar iyo awood aan ciddi gudbi Karin.Tanaasulka ama  xeerintuna waa arimaha dalkeenu ugu baahida badan yahay si aynu u ilaashanno diin dad, dal, iyo khayraadka alle inagu galaday oo caalamku sida wayn indhaha ugu hayo,inta ummadda soomaaliyeed qaybsan tahay waa inta cadowgeenu helayo faa’iido iyo fursado. waxaa marag ma doonta ah in aan bulsho mideysan la gumeysan Karin ilaa iyo inta la kala qaybinaayo {qaybi oo xukun}.

Tusaalaha nool ee mudan ku dayashada waa in wax badan ka baranaa dadyowga xalliyay waxyabaha aynu isku haysano oo kale, sida waa nala dulmiyay, nala laayay, nala dhacay, nala xaqiray iyo tabashooyinka aan macnaha badan lahayn oo aynu ka heshiin karno, ma aha in weli aan ku kala qaybsanaano (Sagaaro biyo ma cabto iyo waa cabtaa.)

Dadka Ruwanda wixii ay garteen ma aynu garan waayin hadii aan Soomali nahay waxaan nahay wiil iyo abtigii iyo seedigii baynu ka koobanahay mana jirto sabab wali dadka soomaaliyeed ay xiiso ugu hayaan colaadaha iyo is nacaybka ka dhasha,iyadoo dadyoowga dariska ah ay midoobayaan meelna ay u wada socdaan.

W/Q. Sharma’arke Max’ed  Warsame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here