XOG: Dawlada Itoobiya Oo Qorshe Halis Badan U Maleegeysa Soomaaliya & Dhoohanaanta Farmaajo

0
158

Dawlada Itoobiya ayaa waxay dooneysaa inay hesho Kheyraadka Soomaaliya iyadoo si diblomaasiyadeed isticmaaleysa.

R/wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tegay Adis ababa waxa uu la kulmay Madax kala duwan,islamarkaana la sheegay in Hormarka Labada dowladood ka shireen.

Dr Abiy Ahmed Ali waa Hogaamiyaha badelay Siyaasadii Ad adeega Ku dhisneyd Ee Dawlada Itoobiya.

Waxa uu la yimid Falsafad cajiib ah isagoo isku loogay madaxda Dawlada Soomaaliya,waxaana lasoo warinayaa in Dhaqaale badan ay Dawlada Itoobiya ka Abuureysaa Soomaaliya.

Dhoohanaanta Madaxda Soomaalida waxaa la sheegay inay Itoobiya dan weyn ku qabtaa,ayna howsheeda gaarka ah ay qabsan doontaa.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Ee dhaliilsan Siyaasada Madaxda Dawlada Federaalka ayaa qaba in lagu deg degay Heshiiskii lala galay Dawlada Itoobiya.

Tani waxay Muujineysaa inay Soomaaliya ka qarsoon tahay dhagarta Itoobiya ubisan bisooneyso Arimaha Dhaqaalaha ay ka sameyn laheyd.

Itoobiya oo Aan Bad laheyn ayaa Afar Dekad Oo Soomaaliya ku taalla ay Itoobiya dooneysaa inay la wareegto oo dhaqaale ay ka sameyso.

Ma cada sida ay noqon karto Is dhex galka laga dhex abuurayo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya iyo Dawlada Federaalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here