XOG: Guddoonka Barlamanka oo Qarka u saaran inuu kala jabo iyo Xog laga helay

0
192

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran inuu laba qeybood u kala jabo kadib markii uu guddoomiyaha Maxamed Sheekh Mursal ka hor yimid kala diristii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.

Guddoomiye Mursal ayaa maanta soo saaray qoraal uu waxba kama jiraan uga dhigayo kala diristii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, wuxuuna faray inay shaqadooda sii wataan, isagoo xukuumada ugu yeeray inay u hoggaansanto la xisaabtanka Guddigaasi.

Xogta laga helayo guddoomiye ku xigeennada Baaralmaanka C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay inaysan ka war heynin qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Mursal ee ku saabsan dib u soo celinta guddigii la kala diray, iyadoo isku ogaa heshiis lagu dhameynayo arrintan iyo dhismaha guddi cusub oo maaliyadeed.

Waxaa la filayaa inay qoraal jawaab ah kasoo baxdo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka, taasoo keeni doonta inay laba qeybood u kala jabaan guddoonka Baarlamaanka oo sharci ahaan guddoomiya Baarlamaanka, balse aan lahayn awoodo ay iskood go’aanno ugu soo saaraan.

Qoraallada is barbar socda ee Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa koowaad waxay muujinayaan in la galay xasarad siyaasadeed oo guddoonka Baarlamaanka dhexdiisa ah, iyadoo madaxda sare ee dowlada ay cadaadis ku hayeen guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo hadda isu bedelaya dagaal siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here