Beelo hadda abtir la isugu duwayo oo lagu biirinayo qabiillo kale (Xog yaab leh)

0
144

U diryaargarowga doorashayooyinka mustaqbalka (Xog yaab leh)

Maalin dhaweyd baa waxa aan helay nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno. Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno, marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,” baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan. Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la fariisannannay.

Maxaa laga hadlayey?

Siyaasigu waxa uu ka hadlayey doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd, nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo.

Ninkii aan la socday, intaas hoos buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.”

Siyaasi dhexgalay qabiillada cadcadka ee Muqdisho

Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar (laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo, kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib – waxaa la isla gartay in ay soo kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay, oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”.

Madaxweyne naclad iyo habaar la isugu daray

Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan mudnayn.

Laba nin oo odayashaas ka mid ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn, diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen, baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena u samaynayey.

Maalin kale ayey madaxweynihii la kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen. Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii, madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin ballamihii ay ka qaadeen.

Odayaashii waxa ay sheegeen, qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh. “Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri, “Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab, taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey. 

Hadda ma jiraan fursado?

Haddii ay dadku isla qaataan in saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi – haddii aad ugu kuurgashid – waxa laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho. Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen, kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo dhumeen.

2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto.

FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here