Dhacdo Hore Loo Arag: Haweeneey 30 Sano Mushaarka Ninkeeda Ay Uruurineysay Ku Sameysay…

0
243

Haweeneey Sacuudiga Udhalatay Ayaa la sheegay inay sameysay Taariikh aan hore Loo Arkin taas oo ku aadan inay dhistay masjid weliba ay Lacag Mushaarka Ninkeeda ah ku dhistay.

Tanoo kale waa lama helaan,marka loo eego Beeqaaminta Xoolaha Masruufka Reerka iyo sida ay dadka uga dhigtay mid ay ku dayan karaan.

RIIX HALKAAN SI AAD ULA SOCOTO FAAH FAAHIN KALE

Haweeneydaan ayaa muddo Soddon Sano ah waxay mushaarka ninkeeda ay qeyb ka mid ah uruurineysay ay keentay inay Masjid ku dhisto Dad badan ayaana ku farxay Arintaas markii ay arkeen.

Sheekada Ciwaanka ayaa aheyd mid soo jiidasho leh,waxaana lasoo warinayaa in baal dahab ah ay ka geli doonto Dadweynaha dunida ku dhaqan gaar ahaan Haweenka Muslimaadka ah.

Maamadaan wiil ay dhashay oo Maxamed Al Xarbi la yiraahdo ayaa twitter-kiisa kusoo daabacay Qoraalka Sheekadaan ay Hooyadiis sameysay Isniintii todobaadkii hore balse maanta oo Axad ah ayaa Warbixintaan la faafiyey.

Maxamed ayaa soo dhigay sidoo kale Masawirka Hooyadiis oo taagan Masjidka ay dhistay Qeyb ka mid ah waxaana dad badan ay ku tilmaameen arin farxad leh,una duceeyeen hooyadiis kheyrka ay shaqeysatana alle ugu badelo mid ka wanaagsan.

Waxaa Soo Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi

Email: Xasann18@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here