Madaxweyne Saciid Deni oo Todobaad kadib soo saaray wareegtadii labaad

0
49

Madaxweyaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad kadib soo saaray wareegtadii labaad oo uu kaga hadlayo arimaha maaliyadda Puntland.

Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda,Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo, iyadoo wali xilkaasi uusan kala wareegin madaxweyne Gaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here