Maxaadan Ogeyn Oo Ka Dhacay Maanta Isgoyska Tarabuunka Ee Muqdisho,Nin La Dilay Xilli Ay…

0
211

Ciidamo kawada tirsan Dawlada Soomaaliya ayaa isku rasaaseeyey Abaare 10:00 Barqanimo Ee Maanta Agagaarka Isgoyska Tarabuunka Ee Degmada Hodan.

Is rasaaseyntani waxaa la sheegay inay dhexmartay Ciidamo halkaasi kusugnaa,waxaana ku dhintay Hal Qof inkastoo aan waxyeelo kale lasoo sheegin.

Isku socodka Dadka,gaadiidka iyo ganacsiga ayaa istaagay mar qura,sida ay inoo sheegeen Goob joogayaal,muddo daqiiqado ahna waxaa xanibnaa dhaq dhaqaaqii halkaasi.

Inta badan Ciidamada Dawlada waxay is rasaaseyntooda ka dhalataa is qab qabsi dhul la isku heysto,mana ahan mid ku cusub iska horimaad ka dhaco Isgoyska Mashquulka badan Ee Tarabuunka.

Dawlada Soomaaliya ayaan waxba ka qaban isku dhacyada ku dhexmara Muqdisho Ciidamada kuwaas oo mararka qaar isku qabta Khaat iyo Dhulal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here