Xog-warran: Puntland iyo K/Galbeed: Maxaa kala duway labada doorasho?

0
43

Hordhac:

Ahun: Cabdulqaadir Maxamed Aadan Soobe ayaa 1944-kii waxa uu xubin ka noqday xisbigii SYL, balse waxa uu kabaxay kaddib markii isaga iyo madaxdii SYL ay isku qabteen habka iyo xeerka lagu dhisayo jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo lahadal hayey markaas in ay dhalan doonto 10 sano kaddib,

Soobe waxa uu aaminsanaa in hab federal ah  lagu dhiso dowladda dhalan doontaa, balse madaxdii SYL ayaa kaddidsanayd in nidaamka Federalka la qaato iyada oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka baxayo kala qaybsanaan iyo gumeysi, waxa kale oo ay madaxdii SYL ku tuhmayeen madaxda xisbiga Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo kazoo dhambalmay Jimciya AlKheyriye wadaniya in ay xagjirnimo iyo cunsiriyad dhiirrigelinayaan sida guddoomiyihii HDM Sheekh Cabdullaahi Maxamed Bogedi oo loogu yeeri jiray Amiirka Hazbiya Digil Mirifle oo aad ugu ololeyn jiray in KG laga dhiso dowlad uu amiir u yahay oo kamid nqota nidaam federal ah oo Soomaaliya yeelato, Sheekh Bogedi waxa halhays u ahayd kulubay dhowaa, kirishtaan dhowaa, kulubay waxa uu ula jeeday SYL.

Ahun Cabdulqaadir Soobe  3sano kaddib markii uu kabaxay SYL waxa uu kamid noqday siyaasiyiin aaminsanayad qaadashada iyo kudhaqanka Federaalka, waxa ayna Muqdiho uga dhawaaqeen 1947  Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo markii dambana isu rogay Xisbiga Dastuur Mustaqil Soomaaliya (HDMS).

50 sano kaddib Gaashaanle sare Ahun Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kufakarayey in qaabdhismeedka dowladda Soomaaliyeed kaddib xukunka kacaanka uu noqodo Federal ayaa aasaasay 1978  Jabhadda Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed oo loo yiqiin SSDF isaga oo kaashanaya Mengistu Haile Mariam  oo markaas katalinayey Itoobiya.

20 sano kaddib asaaskii SSDF gobolada Waqooyi bari (Puntland) ayuu gaashaanle sare Cabdullaah Yuusuf Axmed waxa uu kadhisay maamulka Puntland oo maanta ah dowladgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Maxaa kala duway labada doorasho?

Ahun Cabdulqaadir Soobe aragtida federaalka waa uga horreeyey Cabdullaahi Yuusuf balse xilliga iyo duruufaha ayay kukala duwanaayeen, Soobe waxa uu kuhaminayey nidaam federal ah oo Koofurgalbeed iyo dalka intiisa kale ah isaga oo u arkayey in lagu saleeyo lahjadda iyada oo aan xorriyad iyo madaxbannaani jirin, balse Cabdullaahi Yuusuf oo uu ka fashilmay Inqilaab ciidan oo uu qorshihiisa qayb ka ahaa 1978 waxa uu ku hamminayey in dagaalka kudhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla War) lagu qaado xukunkii kacaanka si uu u taagdarreeyo kaddibna xilka looga tuuro.

Maadaama aanay wax u dhicin sidii uu ku hamminayey waxa uu qaatay in SSDF isu rogto maamul uu madax u yahay oo uu wax kula qaybsado xukuumadaha xiga, taasina waxa ay hirgashay kaddib 6 sano  oo uu ahaa madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland 2004 markii uu noqday madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya.

Kaladuwanaanta labada doorasho ee KGS iyo Puntland waxa sal u ah laba arrimood oo kala ah:

  1. Sooyaalka siyaasadda
  2. Isbeddelka Bulshada

Sooyaalka siyaasadda

November-2014 magaalada Baydhaba waxaa kadhacday doorasho iyada oo  uusan jirin Baarlamaan goboleedka KGS, waxaana ergo kaqaybgashay shirkaas oo kakoobnayd 396 ay madaxweyne u doorteen Shariif  Xasan Sheekh Aadan 373 ergay ayaa u codeysay Shariif Xasan oo xilkaas iska casilay November-2018, shariif  Xasan waxa uu ahaa madaxweyne- goboleedkii ugu horreeyey oo KG oo kamid ah nidaam Federaal ah ee qabta xilkaas, taas oo Cabdulqaadir Soobe ku hamminayey 67 sano kahor.

Doorashadaas kadhacday Baydhaba 2014 ee ergadu ku doorteen Shariif  Xasan Sh. Aadan waxa ay ayahd tii ugu horreysay, sidaas awgeed ma jirin waaya-aragnimo hore oo lagu dhiso iyo axdi hore oo fududeyn karay hirgelinta doorasho  ka heer fiican sida ay u dhacday doorashadaasi.

May-15-1998 waxaa ay egro kasocotay Beelaha dega gobolada Waqooyi Bari ayaa Garoowe ku ansxiyey Axdiga dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, axadigaas oo ay saxiixeen ergo  meteleysay beelaha gobolada Nugaal, Bari iyo qayb ahaan gobolada Sanaag, Sool iyo Mudug waxa uu dhigayey in 69 Wakiil kuwaas 61 ay beeluhu soo xulanayaan , 5 ay haweenku gaar u leeyihiin iyo 3 wakiil oo lagu maamuusay guddoomiyeyaasha Jabhadaha SSDF, USP iyo SNDU.

Augusto-1998 ayaa 69 wakiil oo ay iska soo xuleen beelihii ku heshiiyey dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay madaxweyne u doorteen Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Dhismihii Puntland waxaa loo sameeyey Axdi kumeelgaar ah, waxaana qorshuhu ahaa in axdigaas looga gudbo muddo saddex sano ah, ka gudbitaanka axdiga kumeelgaarka ah waxaa loo xilsaarey Madaxweynaha ku guuleysta tartanka iyo xukuumadiisa, balse 3 sano kaddib waxa uu maamulkii Ahun GS Cabdullaahi Yuusuf ku guuldareystay in uu fuliyo  howshii laga sugayey, sidaas awgeed waxa ay golayaashii xukuumadda iyo wakiiladu codsadeen in muddada loo kordhiyo, mana sugin jawaabta beelaha ee waxa ay sameysteen hannaan u fududeynaya howshaas, waxa ayna kororsadeen muddo 3 sano ah.

Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee DG Puntland Dr.Yusuf Xaaji Nuur ayaa soosaaray qoraal sharci-darro kutilmaamay tallaabada xukuumadda iyo Wakiilada, waxa uu 1-July-2001 ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha kmg ah ee DG Puntland, waxaana ayiday madaxweynenimada Dr Yuusuf Isimadii Puntland intooda badan, sidaas oo kale waxa soo dhoweeyey maamulkii gobolka Bari, balse GS Cabdullaahi Yuusuf ayaa qaatay go’aan ah in uu dagaal galo, 6 dagaal oo kadhashay khilaafkii madaxtinimada iyo doorashada DG Puntland ayaa kadhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaana dagaaladaas ku dhintay 200 oo qof, dhaawucuna waxa uu gaaray tiro instaas la eg, sababaha dagaaladaas iyo sidii ay Puntland uga badbaadday in maamulku ku burburo waxa ay uga tagtay gobolkaas waaya-aragnimo kudhisan in awooddu u kala qaybsanaato beelaha ay ku dhisan tahay Puntland iyada oo gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug ay ku kaltamayaan hoggaanka.

4 doorasho oo kadambeysay doorashadii uu dhiigga badan ku daatay 2001 ee kadhacday Puntland waxa ay u dheceen si nabad ah waxa ayna Ahun Cadde Muuse, Dr Cabdiraxmaan Faroole, Dr Cabdiweli Gaas iyo Saciid Dani xilka isugu wareejiyeen si nabad ah.

December-2018 KGS waxa kadhacay doorashadii labaad, waxa ay doorshadaasi sababtay dagaal iyo deganaansho la’aan socotay muddo todobaadyo ah, waxa kamid ahaa musharixiintii isu taagay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur guddoomiye kuxigeenkii iyo afhayeenkii hore ee Alshabaab, balse xukuumadda dhexe ayaa kahor istaagtay Roobow in uu u tartamo xilkaas, dadkii kudhintay qalalaasihii kadhashay doorashada waxaa kamid ahaa guddoomiyihii guddiga amniga ee Baarlamaan-goboleedka KG Ahun Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, waxa ayna dhowrjeer doorashadu dib uga dhacday xilligii loogu talagalay, taas oo kadhigan in KGS ay 2018 mareysay halkii ay Puntland mareysay 2001

Isbeddelka Bulshada

KGS & Puntland dhinaca bulshada waxaa u dhexeeya kaladuwanaansho ku saleysan isxukunka, Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo tacliinta, taasna waxa sii dheer dhismaha labada gobol oo ay u dhexeyso muddo 16 sano ah, taas oo kadhigan in Puntland oo bulsho ahaan soo kabaneysay muddo 16 sano ah uu dhismay gobolka KGS, taasina waxa ay saameyn kuleedahay sida ay u kala horreeyaan maamulada kadhismay Soomaaliya kaddib xukunkii ciidanka.

Dhammaan maamulada kaladuwan ee kadhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya kuwo ogol kamid ahaanshaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah iyo kuwo diiddanba waxa ay kamideysan yihiin in dhismaha iyo salka jiritaankoodu yahay Qabiilka iyo sida wax loo qaybsado, sidaas oo kale Puntalan & KGS waxa ay kamideysan yihiin hannaanka Qabiilka.

Buugta iyo Raadraaca

  1. SBBC Somali,
  2. Somalitalk
  3. The history of Southern Somalia-Saalax Maxamed Cali
  4. Horseed Media
  5. Xusuusqorkeyga gaarka ah

WQ: Axmed C. Guutaale
Dersa Sharciga iyo Qaanuunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here